Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Laga Hirgeliyey Madaxtooyada Garoowe.(Masawiro)

March 31, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah 31 March 2017 xadhiga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.

Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Daawlada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya, ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo dhulka Puntland.

Xadhiga jarka Masaajidka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumey, Masuuliyiin katirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, culimo iyo wax garadka kale.

Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan kawarhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu Madaxweyuhu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.

‘’Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saran tahay, ujeedada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha madaxtooyada ku jirta, markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle u waydiiyey ummadiisa inuu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele raxmadiisa.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online