Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey oo kulan la yeeshay Madaxweynaha JFS Maxamed C/lahi Farmaajo

March 3, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha DFS ay yeesheen ayaa waxa uu daarana arrimo la xiriira abaarta ka jira guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Puntland iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo u hambalyeeyey guushii uu dhowaan ka gaarey tartankii Madaxweyne nimo ee Hogaaminta Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu horay waxa uu uga warbixiyey Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo abaarta baaxadale ee ka jirta dhammaan gobolada Puntland, wxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saamaynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha DFS guushii uu ka gaarey doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 8 February 2017, isla markaana waxa uu guulweyn ku tilmaamay go’aan qaadashadii geesi-nimadalahayd ee uu ku soo xushay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay Baarlamaanka Soomaaliya si sidaasi lamida ay ku ansixiyeen.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana uu Alle ugu bedelo raxmadiisa.

DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online