Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland oo Ka Qayb Galay Roobdoon Maanta laga Tukadey Garoowe[Masawiro]

March 16, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 16 March 2017 Magaalada Garoowe ee Casimada Dawladda Puntland kaga qayb galay roobdoon laga tukadey.

Banaanbaxa Alle lagu waydiisanaayey Raxmadiisa ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, shacabka iyo waxgaradka Caasimada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keenaya alleh ka fogaansho.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar camay ayaa waxa uu Alle ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadiisa uguna bedelo raxmadiisa, isla markaana Allaha raxmaanka ahi uu ka aqbalo ducada iyo rabitaanka umadiisa ee ay saamaynta ku yeelatay abaartu.

Isimada, Culimada, aqoon yahanka iyo waxgarad kale oo ka hadlay madasha roobdoonta ayaa dhankooda alle ka baryey inuu abaarta ka saaro ummadiisa uguna bedelo aaran iyo raxmad ay ku ilaawaan abaarta baaxadale ee saamaysay dad iyo duunyoba.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey shacaka Puntland meel kastay joogaan inay u istaagaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen caawinta dadkooda, isla mar’ahaantaana ay sibuuxda qayb uga noqdaan gurmadka lagu caawinayo Ummaada Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DHAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online