Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun ku riday eedeysanayaal ka tirsan Al-Shabaab (Dhageyso)

March 7, 2017 - Written by Editor

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida iyo danbiyada Culus ee 5 gobol ee Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku Riday Eedeysanayaal kala duwan oo ay ku jiraan dhalinyaro la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Maxakamada ayaa waxaa la horkeenay 7 qof oo 5 ka mid ah lagu eedeeyey in ay qeyb ka yihiin kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab kuwaas oo qaraxyo iyo dilal kala duwan ka geystay magaalada Boosaaso.

Raga eedeysanayaasha ee la horlkeenay maxakamada danbiyada culus ayaa waxaa ay kala yihiin.

1-Cabdiwaaxid Macalin Axmed Xasan – 22 -Sano Jir
2-Mahad cali Xuseen ibraahim 22 – Sano Jir
3-Yaasiin Maxamed Cabdi Ciise 39 – Sano jir
4-C/laahi Cabdiraxmaan Barre 19 – Sano Jir
5-Maxamed Cadi-qani Xasan 33 – Sano jir
6-Mubaarak Mire Muumin
7- Laba Xidigle Faysal Ibraahim Cali.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxaa ka soo muuqday  Mubaarak Mire Muumin & Laba Xidigle Faysal Ibraahim Cali, Oo Lagu Eedeeyay iney qof shacab ah ku dileen Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, Waxaana la waayay Cadeymo cad oo muujinaya midka ka danbeeyay dilka, uuna midba midka kale ku eedeeyay inuu dilay, Waxaana maxkamadu ku wada riday labada eedeysane dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan Ayaa Ku Dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda,waxaana uu sheegay in eedeysanayaasha ay Rafcaan ka qaadan karaan maxakamada mudo 30 Maalmood ah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online