Puntland Oo Duleedka Gaalkacyo ku Qabatay Gaari siday Walxaha Qarxa (Masawiro)

March 3, 2017 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee gobalka Mudug ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa kaas oo u kala gooshi jiray magaalada B/weyne iyo Boosaaso.

Taliska ciidamada ammaanka ah ee Puntland ayaa war ka soo saaray gaari walxaha qarxa siday oo lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo.Taliska ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxay  sheegeen baaris kadib in la ogaaday in gaarigaasi waday walxaha qarxa la doonayay in lagu qarxiyo shacabka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Gaarigan siday walxaha qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano (Candha-meedlaha) waxaana lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale gacanta lagu hayaa darawalkii waday gaariga.

Ciidanka PISta Puntland ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen Agabkii uu siday gaarigii Candha-meedlaha waxaana uu siday  Hubka iyo Dareeska Ciidamada,iyo biro badan oo qaraxa laga daro.

M_M Deeq
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online