Qarax geystay Khasaaro kala duwan oo ka dhacay Degmada Luuq ee gobalka Gedo.

March 8, 2017 - Written by Editor

Gedo:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow Qarax uu ka dhacay gudaha Degmada Luuq waxaana qaraxa lala eegtay Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cismaan waxaana soo gaaray dhaawac.

Qaraxa lala eegtay Gudoomiyaha Degmada Luuq ayaa sheegaya in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu Aaso waxaana lala eegtay Gaari uu watay Guddoomiyaha, sida ay sheegaayaan dad goobjoog ah .

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada Guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa 4 ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha.Afarta Askari ee dhaawacmantay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka guud ee Degmada Luuq.

Saraakiisha ciidanka JFS ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay masuuliyadda Qaraxan ku eedeeyeen  kooxda Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka fulisa Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online