Ra’iisul wasaaraha JFS oo Dadweynaha Muqdisho kala qeyb galay Salaad Roob doon ah (Masawiro)

March 14, 2017 - Written by Editor

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa maanta Dadweyne Badan Salaada Roob doon ah kula dukaday Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Dukashada Salaada waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Ardayda Dugsiyada Qur’aanka ayaa la’arkayay iyagoo Madaxa ku sita Looxdii ay Quraanka ku dhiganayeen Allana ka Baryayay inuu u naxariisto dadka Soomaaliyeed oo uu siiyo Raxmadiisa, kana dul qaado Abaaraha ka jira Dalka.

Markii Salaada Roob doonka la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo asna gaba gabadii la hadlay dadka ka soo qaybgalay Salaada Roob doonka ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan eek a jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

“Waxaan idiin balan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.” Ayuu yiri Mudane khayre.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda isku gurmadaan oo ay isku naxariistaan, maadaama Abaartu haatan ay xoolo beel ku riday dad badan oo soo maaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay in maanta oo Talaado ah dalka oo dhan laga dukado Salaad Roob doon ah iyadoo Alle laga baryayo inuu naga saaro Abaarta noona gar gaaro.

….Dhamaad…….

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online