Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre Oo Xafiiska Kala Wareegay Ra’iisul Wasaare Hore Cumar Cabdirashiid.[Masawiro]

March 2, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.

Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

idoo kale, Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

“Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.

—–DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online