Ugaaska guud ee Beesha Cali Xijiijle oo lagu caleema saaray magaalada Bosaaso [Masawiro/Video]

March 12, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa magaalada Bosaso ee Puntland ee xarunta gobalka Bari ayaa lagu caleema saaray Ugaaska guud ee beesha Cali Xijiijle, Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmad ka dib xaflad ballaaran oo ka dhacday Hotel Gacayte ee magaalada Boosaaso.

Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmed ayaa waxaa uu ugaasnimada ka dhaxlay aabihiis Allaha u naxariistee Ugaas Xaaji Cabdi Axmed (Buurte).

Xafladda caleema saarka ugaaska ayaa waxaa ka soo qeyb galay Isimo nabadoono, , siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro,haween, aqoonyahano, culimo’udiin, wasiiro , saraakiil, xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaaso iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Waxaa ka mid ahaa Isimada ka soo qeyb galay Beldaaje Cali Faarax , Ugaas Xasan Ugaas Yaasin Cabdirashiid Ismaciil Boqor oo wakiil u ahaa boqor Burhaan Boqor Muuse ,Suldaan Ciise Maxamed Suldaan Maxamed Bashiir wasiirka hore ee amniga Puntland , Cabdirisaaq Aloore Iyo Ganacsade Cismaan Shire Quud,

Isimada iyo dhamaan waxgaradkii ka soo qeyb galay xafladda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmad waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan

Dhanka kale Ugaas Muxyadiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmed ayaa u mahad celiyey dhamaan Isimada iyo Martida kale ee ka soo qeyb gashay Caleemasaarka isaga oo ugu baaqay in laga shaqeeyo wadajirka iyo wanaaga ,

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online