Waxgaradka gobolka Nugaal oo Ka Hadlay ammaanka magaalada Garoowe (Dhageyso)

March 11, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Garoowe ayaa  maanta Shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garoowe waxay si adag uga hadleen xaalada amniga iyo ciidanka gadoodsan ee baryahaan sheegayey in mushaaro ka maqan tahay.

Odayaasha iyo waxgaradka gobalka Nugaal ayaa diiday talaabada ay qaadeen qaar ka mid ah ciidamada Daraawiista iyo saraakiishooda oo tiro yar ah kuwaas sheegay in xuquuq badan ay kaga maqan tahay xukuumada Madaxweyne Gaas xili wasiirka maaliyada Puntland uu si adag u diiday eedeyntaas.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa ugu baaqay dadweynaha iyo waxgaradka gobalka Nugaal in ay ka shaqeeyaan amaanka magaalada Garoowe meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo khal khal galinaysa Amniga Caasimada iyo guud ahaan deegaanada  Puntland.

Ugu danbeyntii ayaa odayaasha waxay ka digeen in ciidamada Puntland qaab qabiil loo kala sooco waxay xukuumada ugu baaqeen in ay xaliso dhibka ay sheeganayaan qaar ka mid ah ciidamada.

Hoos ka Dhageyso Shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garoowe Waxgaradka gobolka Nugaal

 M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online