Xal iyo is afgarad laga gaarey gadood ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidanka Puntland.[Masawiro/Video]

March 13, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col. Jimcaale Jaamac Takar ayaa waxaa uu raaligelin buuxda uu ka bixiyey gadood ay sameeyeen dhalinyaro ka tirsan ciidanka Kumaandowska iskja raali gelin u diray shacabka Puntland iyo madaxda dowladda Puntland.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col. Jimcaale Jaamac Takar ayaa iska fogeeyey in Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ay ka qayb ka ahaayeen ama ka danbeeyeen gadoodka ay ciidanka komaadoska qaarkooda ay ku qabsadeen Kastamka wasaaradda Maaliyadda ee ku yaal duleedka Garoowe.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col. Jimcaale Jaamac Takar ayaa ku nuuxnuuxday in ay wax caadi tahay in ciidamo ay muuji yaan cabasho balse falka ay ku kaceen ciidanka Kumaandoska Punbtland qaarkood uu ahaa mid aan wanaagsanayn.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col. Jimcaale Jaamac Takar ayaa sheegay in cabashada ciidanka laga gaaray is afgarad ayna iyagu yihiin ciidan ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dowladda kana hortagaan cid walba oo wax u dhimaysa amaanka guud ee Puntland gaar ahaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Taliyaha ciidanka kumaandoosta ee DANAB Col. Jimcaale Jamac Takar ayaa ugu danabayntii xusay in ay dowladdooda ay la shaqaynayaan ayna taageersan yihiin ayna wadi doonaa sugida amniga iyo difaac dowladda iyo shacabka Puntland isagoo eed u soo jeediyey warbaahinta gadoodka ay sameeyeen ciidan yar u isticmaalay in ay iska horkeenaa ciidamada iyo dowladdooda.

Kulanka lagu soo afjaray cabsahada ciidamada gadoodka sameeyey ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashada , wasirka amniga Saraakiil ciidan , iyo weliba maamulka Gobolka,Kan Degmada Garoowe
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa ka hadalay goobta uu xusay in aysan jirin wax dhibaato oo ay cidamada gadooday ay geysteen haddana ay ciidanku dib ugu laabteen fariisama hoodii amniga caasimada Garoowena ay tahay nabad wax dhib ah uusan ka jirin hadda.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Amniga dowaladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay soo afjarida ciidanka gadooday uu ka farxinayo dadka jecel nabad iyo jiritaanka Puntland waxaan uu ka nixin doona cid walba oo cadow u ah amniga iyo nabad gelyada Puntland.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in dadka reer Puntland ay yihiin dad dowladdeed oo wax walba oo yimaada ay ku xaliyaan is afgarad taas oo ay ku amaanan yihiin.

Hoos ka Daawo kulankii lagu soo afjaray gadoodkii qaar ka mid ah ciidanka komaadoska Puntland ay sameeyeen

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online