Xiriirka Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ee Suudaan oo qabtay barnaamij Aqoon kororsi.[Masawiro]

March 4, 2017 - Written by Editor

Sudan:-Xiriirka ardayda Soomaaliyeed ee Caalamagi ah ee dalka Suudaan ayaa bishan la soo dhaafay ee Febraayo ayaa ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka Suudaan ku jiraan fasax , u qabtay barnaamij taxano siminaaro  loogu talo galay kor u qaadista wacyiga iyo aqoonta ardayda soomaaliyeed , xiriirka ayaa u qabtay ardayda 4 siminaar oo ay ka faaideysteen in ka badan 200 arday oo gabdho iyo wiilal isugu jira siminaaraduna waxay kala ahaayeen sida soo socota :-

9-10/2/2017 : siminaar ku saabsan sida loo maamulo oo looga miradhaliyo kulamada oo uu soo jeedinayay Dr Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe , waxaana siminaarkan lagu qabtay xarunta Raabidada ee Khartuum ka faaideystay ilaa 50 arday oo isugu jira maamulka iyo xubnaha ardayda.

16-18 /2/2017: Siminaar ku saabsan habka tifaftirka saxaafadda ayaa lagu qabtay xarunta Raabidada, waxaana soo jeediyay saxafiga weyn ee reer Suudaan Cali Saalax Dambal , waxaan ka faaideystay 47 arday , oo si wayn uga faaideystay cashiro ku saabsan saxaafadda iyo habka tifaftirka qoraallada.

19-20/2/2017 : simainaar ku saabsan hababka doodaha cilmiyaysan iyo is qancinta , waxaan soo jeediyay Dr Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe , siminaarkan oo isna lagu qabtay xarunta Raabidada , waxay ardaydu si camali ah ugu barteen hababka ugu wanaagsan oo loo doodo la iskuna qanciyo.

23-25/2/2017 : Kulan dacwadeed iyo tababar isugu jira oo loo qabtay ardayda dumarka ah ee wax ka barta jaamacadaha dalka Suudaan, waxana cashiradii ka baxay mudadda saddexda casho ee uu socday ka mid ahaa:-

– Xirfadaha fikirka cilmiyayasan oo uu soo jeedyay Dr Shaafici C/casiis X Dhafe.

-Muxaadaro cinwaankeedu yahay : Noqo qof xambaarsan risaaladda Islaamka , oo uu soo jeediyay Dr C/fataax Maxamed barkhadle.

– Cashir ku saabsan “Qorshaynta Nolosha” oo uu soo jeediyay guddoomiyaha xiriirka ardayda soomaaliyeed ee Caalamiga ah , Ustaad Aadam xaaji Muxumed idriis.
Ardaydii ka faaidaystay cashiradaan & siminaaradaan muhiimka ah ayaa u mahadceliyay maamulka Raabidada iyo macalimiintii cashirada bixisayba, iyagoo codsaday in la joogteeyo tababarada noocaan oo kale ah .

Gebogebadii barnaamijkan aqoon kororsiga ah , ayuu maamulku guddoonsiiyay aqoonyahankii cashirada bixiyay shahaadooyin sharafeed loogu mahadcelinaayo dadaalkii ay bixiyeen , barnaamijka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxad leh.

 Guddiga fulinta Raabidada  ee  dalka Suudaan
Sudan, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online