JFS oo xaqiijisey in Heshiiskii Diyaaradaha tooska u aadaya Nairobi uu sidiisii yahay

April 5, 2017 - Written by Editor

Shalay oo ay taariikhdu aheyd 4ta April 2017 waxaa dhacday in labo diyaaradood oo u socday Nairobi ay sii mareen Wajeer, halka labo kalena ay si toos ah u aadeen Nairobi.

Dowladda Federaalka oo baaris sameysey ayaa waxaa lagu ogaaday in sababta labada diyaarad loo marsiiyey Wajeer ay aheyd cilad farsamo ee la xiriirta xiriirka Saadaasha Hawada iyo ruqsada duulimaadka oo haba yaraatee aysan wax lug ah ku laheyn heshiisyadii Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee ku aadanaa in diyaaradahu ay si toos ah u aadayaan Nairobi.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an oo ay marwalba diyaar u tahay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu bandhigi lahaa xaqiiqada ku hareereysan dhacdadii shalay oo ay labada diyaaradood ku mareen Wajeer. Dowladdu waxey xooga saari doontaa in shirkadaha diyaaradaha ay hubiyaan ka hor inta aysan ka duulin gegida diyaaradaha Muqdisho inay heystaan fasixii iyo dokumentigii aasaaska u ahaa duulimaadkooda, si aysan shacabka Soomaaliyeed ee rakaabka ah aysan ula kulmin daahis iyo culeys.

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online