Maamulka Gobolka Nugaal oo amar ka soo saaray ururka Al-saadicuuna Bil-xaq.[Dhagayso]

April 15, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Kulan ay iskugu yimaadeen maamulka Gobolka Nugaal, Saraakisha Ciidanka Booliska iyo Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee 5-ta Gobol ayaa waxaa laga soo saaray amar lagu mamnuucayo urur cusub ee looga dhawaaaq dalka Masar lana baxay Al-saadicuuna Bil-xaq ahna urur Gaalaysiinayey shacabka Muslinka ah guud ahaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna taageereen ragg soomaali ah oo ku kala sugan gobollada dalka Soomaaliya qaarkood.

Ururkaan la baxay Al-saadicuuna Bil-xaq ayaa waxaa ka digay culimada Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ay ugu baaqeen dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan ku kadsoomin ururkaan oo ah mid Gaalnimo ku xukumay shucuubta Muslinka ah.

Kulanka ka dhacay magaalada Garoowe ayaa wixii ka soo baxay waxaa saxaaafadda u akhriyey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo isagu xusay in Gobolka Nugaal iyo Puntlandba laga mamnuucay ururka Al-saadicuuna Bil-xaq isagoona ku amray Taliyaasha ciidanka in ay qabtaan xubnaha urukaan dadweynahana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne iyo masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ururkaan cusub ee Al-saadicuuna Bil-xaq ay la mid yihiin ururada ay dowladda Puntland dagaalka kula jirto sidda Al-shabaab iyo Daaicish talaabana ay ka qaadi doonaan.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo la hadlay saxaafadda

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online