Maan doon Diin U Doona W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar

April 30, 2017 - Written by Editor

Mucjisada islaamka waxaa kamid ah ee tusineeysa in uu xaq yahay in uu u adkeeysto naqdiga iyo baadilka la malookeeyay ee aad moodeeyso in uu carro jiiri doono,buruskiisa iyo qaaqooyinka uu wato lamoodo in aan la hortistaagi Karin,iyadoo marka lagu taabto xaqa iyo xaqiiqada ay soo baxeeyso waxaan in uu yahay baadil ama xoor aan hoos nuxur ku lahayn.
قال تعالى كذلك يضرب الله الحق والباطل فاما الزبد فيذهب جفاء واما ما ينفع الناس فيمكث في الارض suugaanyahankii Abshir bacadle waa kii yiri”
“Ha u bixina waa baadil iyo bararaftiisiiye”
Ararta kale waa rususha ilaahay iyagaa diinta lagu soo dejiyay lana amray in ay caddeeyaan dadkana fahamsiiyaan kana ilaaliyaan wixii faham qallooc ah inta ay noolyihiin,kaddib waxaa masuul ka ah ilaalinteeda culumadii ka dhaxlay cilmiga oo ka soo xambaaray rususha ilaahay, waxaa tusinaya aayadda suuradda maaida 44aad waxaaقال تعالى:انا انزلنا التورات فيها هدى ونور يحكم بها النبيون الذين اسلموللذين هادوا والربانيون والاحبار بما استحفظوا من كتاب الله وكانوا عليه شهداء فلا تخشوا الناس واخشون ولا تشتروا باياتي ثمنا قليلا ومن لم يحكم بما انزل الله فاولئك هم الكافرون Allah wuxuu ku halleeyn jiray diimihii hore dadka culimada wax bandanna farahooda waa laga bixiyay sidaa darted ilaahay diintaan isagaa kafaalo qaaday in uu xifdiyo ilaa qiyaamaha inteey soo jirtayna isagaa soo ilaaliyay.
Qaylada culimada maalmahan ee kooxdii cusbeeyd al-saadicuun bilxaq laga hadlayay Ayaan waxaan maqlay qaylada sheikh maxamad maxamuud shible oo ka qeeyliyay kooxda la magac baxday MAANDOON uguna yeeray in ay ciidan ibleeys yihiin.Waxaan is idhi magacaan amuu ku weeynyahay oo walaalaha xaq laga galay gaar ahaan wadaadka shiikha u ah kooxda Abdiraxman maxamad jibril oo muddo iigu dambeeysay,kaddib waxaan galay barta kooxda, si aan u arko waxa ay aaminsanyihiin.Ragga oo sawirradooda iyo maqaalladooda ku qoranyihiin bogga waxaan ka gartay wadaadka aan soo sheegay.Gacanta iyo dhabankaan isa saaray yaab dartiis,kooxda warkeed waa qoranyahay waana cad yahay hadafkana waa in diinta la cusbooneeysiiyo,ilaahay iyo iyagana aan loo dhexeeyn, macnaha iyo ujeedada hadalkiisa.waxaan aqoonsaday qaylada sheikh shible in ay gar tahay eraygana uu ku yaryahay kana khatarsanyihiin,shabaab,saadicuun bil xaq iyo bidcooyinka kale.tusaaleahaan saddex maqaal oo aan akhriyay waa kuwan:
1- Side diinta loo jadiidin karaa Abdalla Aw hassan
2- Wadaadada iyo diinta:jinkii bariiska xabadda ku darsaday:
Cabdixakim Diiriye
3- Asalka kooxaha muslinka Ibrahim yusuf
4- Wadaadada dabci kululaa ma dac beey cabeen
5- Maandoon iyo maandooriye diimeedka
6- Wadaad dawakhsan iyo waranle dayeeysan
7- Ma waajibaa in gabdhaha madaxa qariyaan
Waa moowduucyada saaran barta Maandoon dhammaan waxay garaacayaan hal gool oo ah diinta in la cusbooneeysiiyo.loona bedelo sida maankooda waafaqsan.darbiga la mari laayahay waa wadaad markaa waa in wadaadkii la garaaco booskiisana la galiyo “maanka”(caqliga).Aniga waxaan idhi sh. Shible xaal qaado nimankan ma aha askartii ibliise (waa Madaxdii ciidanka Ibliis).ibliis wuxuu amar ku bixiyay ciidankiisa in ay iyaga ka amarqaataan maxaa yeelay howsha ay u dhar dhigteen waa in ay badalaan diintii ilaah soo dejiyay oo ay lasocodsiiyaan caqliga iyo maanka kooxda maandoon.Dadweeynaha muslimiinta iyo dhallinta waxaan ugu yeedhaa in lagu baraarugo khatarta kooxdaan kana khatarsan kuwa dhiigga daadinaya iyo kuwa dadka gaaleeysiinaya,maxaa yeelay qoladaa waxaa la tagay in aan si dhab ah loogu dhaqmin diinta waana in dadka lagu soo celiyaa diinta (sideey la tahay).qoladan waxay leeyihiin diinta ha la badalo si ay caqliga iyo casriga ula socoto.
Waxay isku dayayaan in ay wadaadada isu adeegsadaan xinifaha ka dhexeeya suufiya iyo salafiya isku garaacaan,erayga wahaabiya adeegsadaan si ay usoojiitaan qolooyin kale,lkn kooxda dhammaan waxay u arkaan kuwo lunsan shaqana kuma lahaa waxaanan jeclaan lahaa in aysan dabada la galin qolo kumeel gaarloola taxaalufo,waxaan jeclaan lahaa in qolo walba iska fogeeyso si aanay dadka ugu ekeeysiinin in ay qoladaa yihiin.
MAANDOON(caqli doon) waxaan leeyahay haddii maanka saxda aad dooneeysaan diintaa idiin haaysa sida ay u fahmeen salafkii ummaddaan,ilaahay baana xifdiyay diintaan,mana baddali kartaan suufi iyo salafiba waa idinka dhacsanayaan diinta alle ee xaqa ah.Qalinka waa lawada qaadayaa ,suugaantana waa la adeegsanayaa si xaqa loo sugo, baabkan adinkaa furee adkeeysigeeda lahaada.culimada haddeey dadweeynaha kiciyaan oo khatartan ku baraarujiyaan xaqeey uleeyihiin adinkana u qeeyshada gaalada idin tiri diinteennii waa badalnee tiinna badala ee gadaal idinka riixeeysa,qandaraaskana kasoo qaadateen.Abdiraxman maxamad jibril waxaan leeyahay xaqa usoo noqo ilaahna uga toowbad keen waxaan cusub xertaadana soo celi oo xaqa unoqoshadiisa waa fadiilah.Haddaa rabtaan wadaadada in laga banneeyo meesha oo diinta saa rabtaan ugu falaaddaan wax soconaa ma aha.Ayaan Xirsi kooxda in lagu daraa fiican maxaa yeelay haddeey ogaan laheed in ay diinta la badali karo kama baxdeen diinta,inta aad inkirsantihiin ayeey inkirtay oo kali ah.

W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online