Madaxweeynaha Puntland oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Gaalkacayo kadib shirkii Madaxdda JFS (Masawiro)

April 18, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kadib shirkii Madaxdda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah oo muqdisho ka dhacay 15-16 April 2017.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahada Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland, cuqaalka iyo qaar kamid bulshada magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha oo lahadlay warbaahinta soo dhoweynta kadib ayaa sheegay in shirkii uga soconayey madaxda DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah Muqdisho uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana waxa uu sheegay Madaxweynaha in shirkaasi lagaga arrinsaday dhismaha ciidan qaran oo ku suntan sumad Soomalinimo, abaarta kajirta guud ahaan Soomaaliya, shirka dhowaan ka dhicidoona London oo lagaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya DFS iyo Dawladdaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha oo kahadlaya dhismaha ciidan Qaran ayaa tibaaxay in Dawladda Puntland ay diyaar u tahay hirgelinta ciidan qaran oo sumad Soomaliyeed leh, isla markaansa u adeegaya ummaada soomaliyeed dalkoodana ka xoraynaya oo ka nadiifinaya kooxaha nabaddiid ka ah ee ka soo horjeeda horumarka shacabka Soomaliyeed.

‘’ Dhismaha Ciidan qaran ee Soomaliyeed waxaa hormuud ka noqon doona DFS anagana wixii nagaga aadan hawshaa ayaa nalaka rabaa inaanu fulino, hadii siday tahay loo hirgeliyo waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo qorshe wanaagsan oo Soomaaliya dhibta ay kujirto ka saari kara, wadanku inuu xasilo oo shidada iyo dhibaatada Al-shabaab laga saaro waa guul, isla markaana in lahelo ciidan sumad sooliyeed leh oo dadka u adeega oo aan dhibaatayn shacabka, ayaanu rajaynaynaa Insha Allah’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in iyana laga wada hadlay abaarta ka jirta Soomaaliya oo dabcan dhibaato weyn ku haysa shacab ka Soomaliyeed meel kastay joogaan, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeejiyey cidwalba oo gacan ka geysatay sidii loo caawin lahaa dadkaasi dhibaataysan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aya sheegay in xalka maanta lagaga bixi karo abaarta dabada dheereetay ay tahay raxmaha Alle oo timaada, waxaana uu Illahay uga baryey inuu Alle ummaddiisa ka dulqaado abaata uguna bedelo raxmadiisa.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online