Madaxweynaha Puntland oo Kulan la qaatay Ambassador Michael Keating (Masawiro)

April 14, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 April 2017 kulan kula yeeshay magaalda muqdisho gaar ahaan xafiiskiisa wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland iyo sidoo kalena waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka qaar kamida  shaqaalha xafiiska Ambassador Michael Keating.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ambassador Keating ayaa waxaa lagaga wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen  abaaraha, shirka Lodhon ee wadanka UK, Amaanka iyo sidii loo dhisilahaa ciidan qaran oo hanankara amniga guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uga warbixiyey  Ambassador Keating abaarta baaxadaleh ee ka jirta gobolada Puntland taas oo sii lixaad sanaysa maalinba maalinta ka danbaysa, isla markaana saamaynteedo ay marayso inay qoyays badani ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland iyagoo miciin-bidaya, hadana aanay meela kagga hadhayn diifta iyo dayaca ay ugusatay abaartu dadkaasi dhibaataysan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shegay in loobahan yahay in markasta lasii laban-laabo gurmadka lagu caawinayo dadkaasi, Dawladda Puntland iyo shacabkeeduna aanay marnaba ka daali doonin sidii wax loogu qaban lahaa walaalahooda tabaalaysan, waxaana uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay markasta lagama maarmaan tahay in beesha caalmku gacan ka gaysato caawimaada loo fidinaayo shacabka dhibaataysan meelkasta oo ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Ambassador-ka kala hadlay dhisida ciidan qaran oo dib u hanta amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya oo ku suntan sidii ay usoo celin lahaayeen Dawladd nimo suumaliyeed oo salka ku haysa sinaansho, eexla’aan iyo midaynta Shacabka Soomaliyeed, isla markaana dib u hanta Amaanka guud ee dalka.

Wakiilka Qaramahada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomarliya Ambassador Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan gurmadka lagu caawinayo dadka abaaruhu saamyeen, isla markaana ay tixgelin gaara mudan yihiin Dawladda Puntland madaama ay ku soo hayaameen xoolodhaqato Soomaliyeed oo ka kalatimi Dawladd degaanka Soomalida Itoobiya, Koonfurta, Waqooyinka iyo Galbeedka Soomaaliya.

Ambassador Keating ayaa sidoo kale shaagay inay xaqiiqo tahay talada iyo tuusaalooyinka Madaxweynaha Dawladda Puntland ee ku adan dhisida ciidan qaran oo dib u hanta amaanka guud ee dalka Soomaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta u heelan  taageerida iyo garab istaaga shacabka Puntland ee ay abaartu saamaysay, waxaana uu hormuud u yahay isukeenida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa dawladd Soomaliyeed oo ka turjunta markasta rabitaanka shacabkeeda.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA, IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online