Uurdoox 12 Mashruuca Islaamka ee Somalia W/Q Sh Dr C/raxmaan Sh Cumar

April 12, 2017 - Written by Editor

Walaalaha waxaan uga cudur daaranaa hakadkii galay taxanihii Uurdoox duruufo ii gaar ah awigeed, waxaan rajeeynaa in dhameeystiro kana dhigo buug ay akhristaan facyaasha soo socdo ugana faa’iideey staan tajrubadaan soo marnay. Qoraalkan waxaan u gaar yeelaa in aan faahfaahiyo arrin aan duuduub u soo maray kana wareegtay in aan faahfaahiyo anigoo xeerinayay waxyaalo badan laakin maanta aanay jirin cudur daar loo faahfaahin waayo ” waa marxaladdii takfiirka ee saxwada ku kala baxday ka dib markii uu qaatay fikirkaan takfiirka ah kana qaatay Masar oo ahayd bidcadan meesheey ka billaabatay.
Dhaqdhaqaaqa islaamka wuxuu ahaa mid ku saleeysan in dadka muslimiinta guud ahaan ee dunida muslimka yihiin dad muslimiin ah oo qallooc galay una baahan in loo soo celiyo diintooda,lagana rido fikirkaan bariga iyo galbeedka ee la tagay waxgaradkoodii runtii waxay ahayd saxwada mid la dagaallanta af iyo dood fikir kasta oo khaldan una soo jiidda dadka waxbartay ee lagu dagaallamayo in ay noqdaan islaamiyiin fahamsan diintooda cadiidadooda islaamkuna yahay wada nololeed u suubada waqti walba inta qiyaamo laga gaarayo.

Saxwada waxaa ka mid ahaa shaqaale dowlad,rag ciidamada ah arday jaamacadeed,boliiska iyadoo dowladda aanay xukumeeynin shareecada islamka waliba ay la dagaallameeyso saxwada iyadoo u aragto in ay wataan diin qalloocan. Masar waa nagasii darneeyd oo waxay oo iyada saxwadaana waa ku xoogganeeyd la dagaallankeedana aad ayuu u cuslaa oo ikhwaanul muslimiin waa la layn jiray xabsiyadana waa la jirdili jiray,iyadoo xabsiyada aad looga buuxiyay islaamiyiinta

Kitaabka la yidhaahdoالاخوان المسلمون في سجون ناصر oo uu qoray Hassan Nasr iyo kitaabka ay qortay gabadha Zeynaba Qazali ayaa caddeeynaya wixii Masar ka dhacayay. Soomaaliya nin kasta dacwada loogu yeerayay iyadoo aan marka hore xukun la saarin oo asalka yahay dadka in ay yihiin muslimiinwixii dhib ahna waa lagu sabrayay.
Masar waxaa ka dhacay in la isweeydiiyo dowlada dunida muslinka xukuma ma gaalaa mise waa islaan? Dadka u shaqeeyo muxuu xukunkooda yahay,dadweeynaha hoosjooga ee canshuurta siinaya maxay yihiin iyaga ma muslinaa mise waa gaalo???dhammaan waxaa lagu xukmiyay in ay gaalo yihiin.

Waxaa fikirkoodii in uu waafaqsanyahay u ekaaday kitaabka uu qoray Sayid Qudbi allaha u raxmadee oo Jamaal cabdinasir dilay معالم في الطريق iyo kitaab uu qoray Abuu aclaa almowduudi la yidhaahdo oo reer Hindiya ahaa oo la yidhaahdo المصطلحات الاربعة ka dibna waxaa la qaatay faham ah in bulshooyinka dunida muslinka gaalo yihiin lana mid yihiin kuwii islaamka ka horreeyay lagana soo billaabaa meeshuu nabiga kazoo billaabay اعبدوا الله ما لكم من اله غيره waa in la isqariyaa jumce iyo jamaaco aan la tukan isqarintii nabiga markuu dacwada billaabayay, Qof muslim ah ma jiro innaga iyo inta la hubiyay in ay muslin yihiin.Waa in laga haajiraa gaalada oo balad loo baxaa kaddibna dagaal la gala.

Culimadii xabsiga kula jirtay oo mashaaikhdooda ahaa waa la dagaallameen, wuxuu qoray murshidkii ikhwaanka kitaab uu u bixiyay ma nihin qaalliyaal ee waxaa nahay ducaad ( دعاة لا قضاة) oo uu qoray sheikh Hassan Hudeeibi.sheikh la yidhaado saalim bahnasaawi wuxuu (الهجرة وقضية تكفير المسلم) qalinkaa loo qaaday si loo caddeeyo.Ka dib waxay kooxdaan galeen sideey aaminsanaayeen in la isqariyo kana go’aan saxwada inteeda kale.

Culimada soomaaliyeed sidoo kale waa la dagaallameen aadna waa loola dooday,waxaa kamid ahaa raga aadka ula dooday Sh.cabdicasiis faarax maxamad oo Sudan wax ku barayay,sh cabdulqadir Nur faarax ,Sh maxamuud ciise ,sheikh cabdulqadir cukashe ,sheikh maxamad cabdi dahir iyo culumo kale oo ahaa raggii xarakada ka tirsanaa.

Waxaan joognay innagoo todoba ah SUDAN kulliyadda dagaalka ee sudan,waxaa naloo soo diray cabdiraxman Axmed Nur (sulub) iyo Axmed Nur carab si ay noogu soo gudbiyaan fikirka cusub ee takfiirka,iyadoo nalagu amraayo in aan kabaxno maadaama lagu gaaloobayo in laga mid noqdo ciidamada doowladahan gaalada ah.waxaa nalagu akhriyay casharro kamid ah kitaabu towxiid iyo waxyaalaha burriya islaamka.kaddib waxaa nalasiiyay suaalo in aan kajawaabno kaddibna naloosoo bandhigo.lkn markii la arkay in aanan wax cusub ka fahmin,waxba nooma soo bandhigin waxay wateen.

Waxaan si buuxda u dhameeysanna kulliyaddii dagaalka iyadoo raga saxwada galeen booska koowaad kan labaad kan saddexaad .raggaa waxaa kamid ahaa 1- faarax maxamad saciid 1- yasiin axmed maxamad (falastiin).3- Qalib Cabdi xuseen4- salad maxamuud afrax 5- cali muse ciise 6-yasin cali xayle 7- iyo aniga saddexda hore allaha u naxariisto jannadii rabbina allaha ugu deeqo.

Ragga manta ismuujiyay waa raggii dhaqdhaqaaqii takfiirka oo galay marxaladdii dacwada oo kor loo qaado,saddex sano ayeey ahayd dacwadii qarsooneeyd ee nabiga saw,ma aqaan waxay 40 sano ka dib uga dhigeen iyagoo ka duulayo markii la amray nabiga sallallaahu caleeyhi wasallam la qayli dacwada allah wuxuu yidhi :فاصدع بما تومر واعرض عن المشركين انا كفيناك المستهزىين) ( waxay la baxeen al-saadicuun bil-xaqi.

Khatarta kooxdaan waa arrimaha soo socda:
1- In ay muslimiinta gabigood gaaleeysiinayaan.
2- In lagu jiro axdigii maka fahamkaas oo aad u qalloocan
3- In fahamka quraanka iyo sunnaha aanay ka qaadaneeynin sideey u fahmeen asaxaabadii.
4- In ay khawaarij yihiin sidoo kale aamin sanyihiin asaxaabada in aysan caadiliin ahayn.

Mashruuca islaamka ee Somaliya UURDOOX 12
W/Q Sheekh Dr C/raxmaan Sh Cumar

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online