Maxay ku kala duwan yihiin Firqo iyo Jamaaco W/Q Mukhtaar Axmed Faarax

April 20, 2017 - Written by Editor

HORUDHAC:-Waxaa kamid ah Sunnada Allaah ee kowniga ah (aduunka ku maamulo), in aadanuhu is khilaafi karo, iyadoo Sharci ahaanna aysan bannaanayn qaybo badan oo kamid ah khilaafka, balse ma aha wax lala yaabi karo hadii uu yimaado, waayo Allaah wuxuu ku tilmaamay aayadaha:118-119 ee Suuaradda Huud in “Aadanuhu aysan ka joogsanayn inay is khilaafaan ciduu Allaah unaxariisto mooyaanee, ayna tahay arrin waafaqsan Dabeecada Abuurtooda”
Taariikhda Khilaafka Islaamka dhexmaray inta la ogyahay wuxuu bilowday Xilligii Khilaafada Islaamka uu hayey Imaam Cali Bini Abii daalib (RC) wuxuuna khilaafkaasi Saxaabadii Nebiga dhexmaray sandkii 35-36 ee Hijriyada, nooca Khilaafka ee Saxaabada dhexmaray gadaal ayaan kusheegi doonaa, hadii Allaah idmo.
Hadaba hadii dabeecadda Aadahuba aysan ka badbaadi karin khilaafka, hadii ay saxaabadii Nebiga (SCW) oo ahaa ciddii ugu khayrka badnayd ummadaan uu khilaaf dhexmaray, ma aha arrintani mid ugub ah, oo dadka Diinta Islaamka aqoonta ulihi ay layaabaan, balse waxay ka digaan oo keli ah inaan la is khilaafo, waxaana kala duwan in khilaafka laga digo inuu dhoco iyo in laf ahaantiisa la dhalliilo, tan hore waa sax, balse tan labaad sax ma aha.
NOOCYADA ISWAAFAQA IYO ISKHILAAKA AADANAHA
Marka la eego hannaanka is fahamka iyo kala duwanaanta Aaadanaha dhexmara waxaa loo qaybiyaa Saddex qaybood oo kala ah:

1. Iswaafaqid: (الاتفاق) waana in laga midaysanyahay dhanka aragtida (fikirka) iyo dhanka wadajirka guud.
2. Iskhilaafid: (الاختلاف) waana in lagu kala duwanaado dhanka aragtida iyo afkaarta, balse wadajirka guud aan waxba soo gaarin.
3. kalatagid (الافتراق): waana in lagu kala duwanaado argtida iyo fikirka kadibna ay kadhalato in lagu kala tago waxbadan oo dadkaas kadhexeeyey.

Hadaba marka sidaas loo qeexo waxaa kuuso baxaysa in qodobadani ay ukala wanaagsanyihiin siday ukala horreeyaan, kan koowaadna yahay midka ugu wanaagsan hadiiba laheli karo, balse nolasha aadanaha dhankeeda Diinta iyo dhankeeda aduunka midna kama suurto geli karo inta badan.
KHILAAKA IYO QAYBIHIISA.

Qodobada aan sare kusoo xusnay waxaan kala baxnay khilaafka, maadaama aysan labada kale waxbadan oo hadal ah ubaahnayn waayo iswaaqadinu waa guul iyo wadajir, Sharci ahaanna waa arrin aad loo ammaanay, halka kala tagguna yahay guuldarro iyo kalaguur, diin ahanna uu Allaah kaga digey aayado badan oo Qur’aan ah, sida: Suuradda Aalu-cimraan, aayadaha: 103-105.
Habada khilaafka marka laga hadlayo waxaa loo qaybiyaa marka hore labo qaybood oo kala ah:
1-Mid aduunyo ku salaysan, sida Siyaasadda, dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, IWm, Sharci ahaanna kaasi wax dhib ah maleh, hadii uusan keenin, qodobkii Saddexaad ee ahaa kalatagga Bulshadaas wadanool.
2-Khilaaf ku salaysan Diinta: Khilaafkan isagana waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah.
A) Mid la isku khilaafo Diinta Usuusheeda iyo waxyaabaha diinta saldhigga u ah (الكليات), sida: Caqiidada, Arkaanta Islaamka, Arkaanta iimaanka, Xaaranta, Xalaasha, iwm. khilaafka noocaan ahi Sharci ahaan ma bannaana, hadii uu dhacana, labada qof ama qolo waxaa khaldan midka garab marsan sida ku cad Nusuusta Qur’aanka iyo Xadiithka, waayo arrimaasi Diintu waxay ucadaysay si aad ufaahfaahsan.
B) Mid la isku khilaafo Arrimaha diinta ee uusan kusoo aroorin Nas la isku waafaqsanyahay sugnaantiisa, ama ujeedkiisa iyo macnihiisa, kaasoo yeelan kara in laga dhanbasho fahamyo kala duwan, run ahaantiina waa arrinta ay diintaani kaga duwantahay diimaha kale, oo Fahamkaas ijtihaadka ku dhisan waa kan Diintaan xilli katsa casriga ku xiraya, iyadoo aan laga baxayn Qawaacidda iyo Nusuusta Sharciga ah. eeg: (الفرق بين الجماعات والفرق، محمد بري علي، ص:11-13).
Khilaafka noocan ahi waa kii dhexmaray Saxaabadii Nebiga (SCW), waayo waxay isku khilaafeen arrimo Ijtihaad ku dhisan, sidoo kalana waa midkii dhexmaray Madaahibta Fiqhiga ah, oo ku kala duwan masalooyin badan oo faham iyo ijtihaad ku dhisan.
Natiijo: Halkaas waxaa inooka cadaaday inaan khilaafka dhammaantiis ceed ahayn balse hal mar oo keli ah la dhalliilo waana marka uu keeno kala tag iyo kala fogaansho.
MAXAA FIRQO LEEXSAN LAGU NOQDAA
Marar badan dadka qaar waxaa isaga dhexyaaca, magacyada kala ah, (Firqo, Xarako, Jamaaaco, Xisbi, Iwm) waana arrimo kala duwan marka Diinta loo eego. Culumada Islaamkuna markay ka hadlayaan waxay Firqo diimeed oo leexsan ku sheegaan markii la helo labadan Shardi ee soo socda:
1-In ciddaasi ay muslimiinta (اهل السنة) ku khilaafto Asal usuusha Diinta ka mid ah (الكليات) sida, Tawxiidaka wax kamid ah, Iimaanka, arkaanta Islaamka, ama, wixii waajibnimadiisa ama Xaaraantinimaytiisa Diintu adkaysay, iyo sidoo kale inay Muslimiinta (أهل السنة) ku khilaafaan faracyo badan oo diinta ka mid ah (الجزئيات).
2- Iyo inay yihiin labo iyo wixii kabadan, balse hal qof keligiis laguma tilmaamo firqo Diineed oo leexsan, sidaa waxaad ka eegi kartaa, (الامام الشاطبي في كتابه الاعتصام الباب السابع، المسالة الخامسة: 3/177-178، والشهرستاني في الملل والنحل21-22)

Hadaba ciddii aan labadaas shardi usu raacin Firqo leexsan laguma tilmaami karo, magicii ay doonaanba ha wataanee.
waxaana muhiim ah inaan ogaanno, inaan magaca firqo, dhammaantiis uusan ahayn mid la diiday, basle waxaa ladiiday waa Firqada leexsan, waayo, Nebiga(SCW) wuxuu sheegay in ummadiisu ukala baxayso 73,firqo, hal midna ay kasaxantahay, marka Magaca firqo wuxuu xunyahay markii uu Diintka garab marsanyahay, qofkii yiraahda anigu firqona kuma jirona, waa qof aan waxbadan diinta kagaranayn, waxaana hadalkiisa kadhalanaysa inuusan Islaamka ku jirin, marka qofku waa inuu dhahaa “anigu waxaan ka mid ahay Firqada Saxsan ee (اهل السنة والجماعة).

JAMAACA HEBLA IN LALA BOXO MASAXBAA?
Marar badan waxaad arkaysaa iyadoo dad badani aad udiidayaan magacyada badan ee ay Jamaacooyink labaxaan Soomaaliya iyo aduunka kalaba, hadaba hadii aan soo koobno jawaabta arrintaan waa sidan:
1-Jamaaco, Xarako, Urur, Xisbi, Iwm, dhammaan waa magacyo isu micno dhaw dhow, dhammaantoodna in lala baxaa way bannaantahay, waayo waxaan soo seegnay in cid gaar ah looga saaro firqada saxan ee Muslimiinta(أهل السنة) waxay ubaahantahay labo Shardi oo kala ahaa, Inay ku khilaafaan Diinta Usuusheeda(الكليات) ama qaybo badan oo furuucdeeda kamid ah (الجزئيات) iyo inay yihin dad labo iyo kabadan ah.

Hadaba waxaa isweydiin leh, magacyada badan ee Jamaacooyinka Soomaaliya kajira sida: (AL-ICTISAAM, Al-ISLAAX, TABLIIQ, AALU-SHEEKH,SUUFIYADA CAADIGA H, TABLIIQ, DAMUL-JADIID, TAJAMUC, IWM.) ma firqooyinbaa mase waa Jamaacooyin?, dhammaan kooxahaasi hadii aan kaduulo aqoonta aan uleeyahay waa Jamaacooyin ama xarakaat katirsan firqada saxan ee (أهل السنة والجماعة) Magacyadaas ay labexeen dartoodna ugama baxayaan Alhu-sunnaha, hadii aysan ku dhicin labadii Shardi oo wada socda, si fahamku usoo dhawaado aan idin siiyo Saddex tusaale.
TUSAALE-1: Qarnigii 2-3 waxaa soo ifbaxay Madaahibta Fiqhiga ah ee Islaamka sida( Shaaficiyada, Xanafiyada, Maalikiyada, Xanaabiliya, Iwm) waxaana soo baxay in lagu abtirsaday oo qofku yiraahdo anigu Xanafi, ama Shaafici ayaan ahay, waana arrin la isticmaalo ilaa iyo manta, Culumadii Muslimiita ee Xilligaas joogtey ilaa iyo maantana majiro-intaan ogahay cid ku xukuntay bidcanimo. (شيخ الاسلام بن تيمية،مجموع الفتاوى، 3/416، و 28/227 ).

TUSAALE-2: waxaa kale oo soo baxay Culumo Dariiqooyin ku abtirsada sida: (ASHCARIYA, MAATURIIDIYA, JAHMIYA, AXMADIYA,QAADIRIYA, iwm,) manajirin cid magacaa ay labexeen sababtiis bidconimo ugu xukuntay, balse qaybahooda bidcanimada loogu xukumay waxay katimi waxay aaminsanayeen. eeg (المصدر السابق نفسه).

TUSAALE-3: Waxaa soo ifbaxday Qarniyadii 2-3, ee Islaamka, Culumo badan oo loogu magac bixiyey Goboladoodii, sidaa: Shaamiyiin, Masriyiin, Xijaasiyiin, iwm (المصريين، الحجازيين، والشاميين، وغيرهم) mana jirin cid Muslimiinta ka mid ah oo ku xukuntay bidcanimo iyo inay layimaadeen wax cusub: eeg: (المصدر السابق نفسه).

Hadaba hadii ay Jamaacadu aysan ku dhicin labadii Shardi ee aan soo sheegnay oo wada jir ah, ma bannaana in lagu xukumo inay firqo leexsan tahay, basle wixii ay Sharciga khalad ka gasho waa lagu qabsanayaa,iyadoo aan bidconimo lagu xukumin, ogowna qofku inuu khalad galo keli ah Ahlu-sannaha loogama saaro, waayo qofku hadii uu tuugo sameeyo, ama sinaysto, ama waxdilo, miyaa laga saarayaa?, dabcan waa maya, sidoo kale ciddii aan labadaas shardi oo wada jira aan kudhicin loogama saari karo Ahlu-sunnaha. Eeg: (الفرق بين الجماعات والفرق، محمد بري علي ص:45)

Dareesiin: Waxaa kala duwan in sheygu bannaayahay iyo inaad samayso, adigu kuma khasbanid waxkasta oo bannaan inaad samyaso, balse waa khalad inaad tiraahdo sharci ma aha, sidoo kale kuma khasbanid inaad Jamaaco kamid noqoto, balse sax maaha inaadan tiraahdo diintu ma oggola.

FG: Kooxdii ku khilaafta Ahlu-saunnaha, Shuruudaas aan sare kusoo sheegnay waxay noqonaysaa FIRQO LEEXSAN, waxaana waajib ah markaas in shartooda umadda looga digo.

Natiijo: waxaan ogaanay inay bannaantahay in lasamaysan karo Jamaaco iyo kabanba hadii aan Shuruudaas lagu dhicin, iyadoo laharsanayo magaca weyn ee Islaamka, ciddii laga helo Shuruudaasna aytahay Firqo leexsan, sidoo kale soo dhaweynta iyo goynta dadka muslimiinta ah dhexdoodana, waxaa lagu salaynayaa ma aha Jamaacada xubnaha kujira ee waa sida Allaah loogu kala dhowyahay,

WAA MAXAY SABABTA JAMAACOOYINKA LOO SAMEEYEY?
Waxay dadbadani isweydiin karaan, maxaan uga baahannahay Jamaacooyin miyaanaan diintayada fidin karin annagoo isku duubaan oo wadanna hal magac oo islaam layiraahdo?.
Jawaab: Hadii aan Taariikhda dib ugu laabanno 1924M,markii ay Burburtay Khilaafadii/Dowladii weyneyd ee Islaamku ku midaysnaa ee fadhigeedu ahaa wadanka TURKIGA, kadibna reer galbeedku kusoo duuleen Caalamka Islaamka, Dowlado yaryar oo aan tabar lahaynna loo kala qaybiyey, qaarkoodna lagumaystay, qaarna gacan ku gabbad noqdeen, waxaa Caalamka Islaamka ka asaasmay ururo xornimo doon ah, oo ujeedkoodu ahaa inay xoreeyaan wadamadooda, taasi waxay keentay in Diintii iyo Dacwadii oo awal Dowladii Islaamku wadijirtayl-waayo xilligaas lama aqoon sida hadda jirta ee ah in Dowladuhu ay maamulaan oo keli ah wixii aduunka ku saabsan, balse aysan wax dan ah ka gelin wixii diin laxiriira- waxaa dhacday in lawaayey cid uxilsaaran diinta fidinteeda, xilligaas ayaa waxaa bilowday in lasmeeyo Jamaacooyin ama xarakooyin diinta ka shaqeeya,kuwaasoo ilaa maalinkaas marba ay midi asaasmeysey, wuxuuna ujeedkoodu ahaa, inay dadka diinta gaarsiiyaan, iyo in dib la isugu xiro Caalamaka Islaamka, ee walaalaha ah, intaas kadib waxaan umalaynayaa inaad ila fahamtay sababta keentay in jamaacooyin la asaaso.

MAXAY JAMAACOOYINKA QAARKOOD MAGACAYADA UBEDESHAAN?
Waxaa dhacda marar badan in dadka qaarkiis ku dhaliilaan jamaacooyinka qaarkood inay magacoodii bedelaan.
Jawaab: Waxaan horay usoo sheegnay inay bannaantahay asal ahaan inay Jamaaco iyadoo Al-sunnaha ka mid ah ay labixi karto magac ugaar ah, baahi keenatay awgeed, taasina waxdhib ah aysan sharci ahaan lahayn, hadaba hadii sheyga asalkiisu bannaanyahay faraciisuna waa bannaanyahay, in Magac la iska bedelaana Islaamka kuma cusba, waxaana jiray Saxaabo badan oo Nebigu (SCW) kabedelay Magacoodii hore sida: زيد الخيل، oo loo bedelay, زيدالخير. برّه oo loo bedelay جويرية. Waxayna Culumada qar ay gaarsiiyeen Magacyada uu bedelay ilaa 59,magac.
sidoo kale in magac labedelaa maaha wax ceeb ah, imisa qof ama dal, ama caasimadood ayaa magaca laga bedelay, miyaad aragteen weligiin cid layaaban? qodobkaanina ma aha qodob ayay ka hadlaan dadka aqoonta uleh taariikhda Islaamka, ama guud ahaan tan aduunkaba.waxaana jirta qaacida macruuf ah oo oranaysa (العبرة تتعلق بالأحكام والمعاني لا بالألفاظ والمباني).

XILLIGAAN JAMAACOOYINKA MALLAGA MAARMI KARAA?.
Waxaa dhici karata inay dad badani isyiraahdaan waxaa fiicnaan lahayd in jamaacooyinka dhammaanba faraha laga qaado, si looga badbaado khilaaf yimaada marar badan.
Jawaab: maxamu balse intaanan kajawaabin waxaan idin weydiinayaa saddexdaan Su’aalood.
– Hadii lakala diro Jamaacooyinka yaa diyaar ah oo xilka mas’uuliyadda diinta lawareegaya? hadii qolo kale loo magacaabose maxaa isbedelay?.
-Diyaar ma uyihiin Dowladaha maanta joogaa inay kaalintaas buuxiyaan, oo wacdiga, maamulidda Masaajidda, D.Qur,aanka, iwm, lawareegaan?.
– Hadii ay meesha kabaxaanse Khilaaf danbe ummadda Malaga waayayaa?
Aniga aragtidayda waxaan u arkaa, in laga maarmo Jamaacooyinka xilliga maanta lajoogo waa waxaan dhici karin, waxayna ka dhigantahay diinta faraha hallaga qaado, waayo hadii aynaan is indhatirayn kaalintooda weli cid kale looma hayo.
Waxaa dhici karta in layiraahdo, oo magacyada may iska daayaan?, oo hadde see usu garanayaan maxayse isku oqoonsanayaan? waxaa kale oo la isweydiin karaa maxay umidoobi waayeen? waa su’aal sax ah, waana arrin fiican oo furan, balse hadii ay usooroobi waydo waxaa ufuran inay is garabsadaan, wixii ay kamidaysanyihiin kawada shaqeeyaan, wixii kalana umaraan sida sharcigu qabo in loo xalliyo.

Gabagabo:
Waxaan aaminsanahay in Jamaacooyinka Soomaliya iyo kuwa Caalamka Islaamka ka jiraa ay ummadahooda abaal weyn kuleeyihiin, ayna buuxiyeen kaalin ay gabeen Dowalidiihi iyo Shucuubtiiba, waa dhici kartaa inay Jamaacooyinku khaldamaan, waayo dhankaas waxay kala midyihiim Basharka kale, balse Jamaacooyinku waa udubdhexaadka ay Diintu ka nooshahay, qofkastana hadii uu dib isu fiiriyo, wuxuu ogaanayaa inuu kasoo baxay, Dugsi, Iskuul, ama Jaamacad, ay Jamaaco dhistay ama maamusho, sidaas darteed Soomaali waxaan kula talin lahaa, in hadii aysan Jamaacooyinka u abaalgudayn, ay qaylada iyo canaanta kadaayaan, waxaana hubaa inaan weli lahayn ciddii kaalintooda buuxin lahayd.

Wixii aan asiibay Allaah ayaa ku mahadsan, wixii aan khaldayna cafis ayaan kaweydiisanayaa Raxmanka cafiska badan.
FG:
1-Qoraalkan waxaan codsanayaa inaan loo turjumin si kabaxsan nuxurka iyo aragtida qoraaga.
2-Maxay Jamaacooyinku bulshada uhayaan waxaan kaga hadli doonaa Maqaal kale, hadii Allaah idmo.

Walaalkiin: Mukhtaar Axmed Faarax, Roob314@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
« Mar    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online