Nadwo Cilmiyeedkii 15-aad ee Sannadlaha ahaa oo caawa ka bilaabatay Masjidka Rowda ee Boosaaso[Masawiro]

April 15, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 15/4/2017 ka bilowday Masjidka weyn ee Al-Rawda Nadwo Cilmiyeedkii 15-aad ee Sannad laha ahayd oo ka dhici jirtay magaalada Boosaaso, Nadwadaan oo ciwaankeedu ahaa gundhigga Islaaxa Ummadda iyo Caqabadaha Hor taagan.

Ka dib markii Aayadaha Quraanka lagu furfurtay, waxaa hadalka qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bogaadiyay Nadwada iyo culumada soo qabanqaabisay, intaa kadib waxa uu boqorku ka hadlay waddanka xaaladda uu ku jiro iyo abaaraha ka jira, oo uu ku tilmaamay in ay abaartan tahay tii ugu darnayd oo abid nasoo marta, waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaas looga bixi karo Cabsida Alle iyo ummaddu in ay Ilaaheed u noqoto.

Waxaa Intaa kadib kalimado soo dhawayn iyo ula jeeddooyinka loo qabto nadwooyinka sannadlaha ah ka hadlay labada sheikh ee kala ah Sh. Axmed Daahir iyo Sh.C/Raxmaan Bukhaari, waxayna labada sheekh u mahad celiyeen culumada ka qayb qaadanaysa Nadwada oo ka kala yimid dal iyo dibadba.

Intaa kadib waxaa si toos ah loo guda galay darsigii koowaad oo ku saabsanaa Sooyaalka Caqlaaniyiinta iyo dhibaatooyinka fikirkaas oo uu soo jeediyay Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaj Nuur. Ugu horrayn waxa uu sheekhu qeexay waxa ay yihiin Caqlaaniyiintu, waxa uuna sheegay in lagu tilmaamo ”Koox isu taagtay in ay baddasho Sooyaalka ay ummadi leedahay ” , sidoo kale waxa uu sheegay in lagu tilmaamo “Koox aaminsan in diinta la oggolaysiiyo fikirada ku xooggan adduunka”.

Intaa kadib waxa uu ka warramay fikirkaan meesha uu ka soo jeedo iyo cidda bilowday, waxa uuna sheegay in uu kasoo jeedo firqada culumada islaamku ay u yaqaannaan MUCTAZILAH (المعتزلة) kooxdaas oo aaminsan In Caqliga laga hor mariyo wax walba oo diintu sheegtay, kooxdaas oo diidday in qabriga la isku cadaabayo, axaadiithta tilmaamaysa dheelmiska nabiga NNKH, Soo dagista Nabi Ciise NKH iyo waxyaabo badan oo diintu sugtay.

Sidoo kale waxa uu sheekhu sheegay In kooxdaas ay isku dhereriso saxaabada Rasuulka, ayna wax ka sheegto. Sheekhu waxa uu sheegay in caqlaaniyiintu ama cilmaaniyiintu dhammaan afkaartaas iyo kuwo ka badan ay aaminsanyihin. Intaa kadib waxa uu sheekhu aad uga warramay sooyaalka iyo taariikhda caqlaaniyiinta ku abtirsada islaamka iyo raggii soo bilaabay iyo raga hadda ugu caansan sida cadnaan Ibraahim, caqlaaniyiinta soomaaliyeedna ay wax kasoo dheegtaan buugaagtii ay kuwaasi qoreen iyo afkaartii ay qabeen, waxa uuna sheekhu dhalinyarada uga digay afkaarta noocaas ah oo ay faafiyaan mareegta maandoon iyo kuwa lamidka ah.

Gabagabadii waxaa soo gunaanaday darsigaas sh.axmed faarax Garaase oo tilmaamay sababaha keenay caqlaaniyadda iyo hababka looga hor tagi karo.

Mu’assada Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online