Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre oo kormeer ku tagey Dekadda Muqdisho.[Masawiro]

April 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoo carabka ku adkeeyay R/wasaaruhu inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

—-DHAMMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online