Sh Daahir Aw-Cabdi oo ka hadlay Xaqiiqda dhabta ah ee kooxda Al_Saadicuun_Bil_ Baqi.[Video/Masawiro]

April 16, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa caawa gashay habeenkii 2aad Nadwo cilmiyeed dini ah oo sanadle ah kana socota Masjidka weyn ee Rowda ee magaalada Boosaaso , Darsiga caawa ayaa waxaa jeediyey Sh Daahir Aw-cabdi waxaan uu Sheekhu darsigiisa uu cinwaan uga dhigay الوحه الحقيقي لجماعة الصادعون isagoona si xeel dheer uga hadlay kooxdaan oo dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar ee la yiraahdo “Jamaacada Al_Saadicuun_Bil_ Baqi.”

Sh Daahir Aw- Cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay kooxdaan halka ay ka soo bilaabtay iyo weliba meesha uu galo abtirsigeeda waxaan uu Sheekhu xusay in kooxdaan ay ka soo dhex baxday ururka Akhwaanu Muslimiin ee dalka Masar ka dib markii Madaxdii dalkaas ay cadaadisa iyo ciqaab kula kaceen xubnihii ka tirsanaa ururka Akhwaanu Muslimiin.

Sh. Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya in badan xog badan ka og kooxdaan ayaa uga digay dhalin yarada in ay ku kadsoomaan waxaan uu Sheekhu sheegay in kooxdaan ay ka mid yihiin kooxda culimada Islaamku ay u yaqaanaan Takfiir ee Gaalaysiiyey Mujtamacaadka Islaamka.

Dhinac kale waxaa muxaadarada Sh Daahir Aw-cabdi ka dib si wanaagsan u qaadaa dhigay kooxdaan Al_Saadicuun_Bil_ Baqi Sh. Dr, Xassan Cali Warsame iyo Sh Maxamed Macalin Axmed. Muxaadarada Sh Daahir Aw-Cabdi ee Nadwada caawa oo aan si Live u tabin lahayn ayaan suura gelin ka dib cilada farsamo awgeed waxaanse idiin balan qaadaynaa in dhamaan duruus ka baxda Nadwada aan idiin soo gudbin doono iyagoo Maqal iyo Muuqaal ah haddii Alle idmo.

Hoos ka Daawo Furitaankii Nadwada 15aad ee ka socota Masjidka Al-Rowada ee magaalada Boosaaso waxaa Furay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Hoos ka Daawo Sh Dr Xasan Sh Cali oo Cadeeay Kooxda Saadicuun Iyo Halka ay ku abtirsato

Hoos Ka Daawo Sh Daahir Aw Cabdi Oo Cadeeyay Fikrka Jamaacada Saadicuun Ee Takfiirka ah .

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online