Sh.Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay Taariikhda kooxda Al-Saaciduuna Bil-Xaq kana digay[ Video]

April 27, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Sh.Xassan Daahir Aweys oo u xiran weli Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo duubay Muuqaal uu kaga hadlayo si faah faahsan koox dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar balse ay ka mid yihiin rag Soomaali ah lana baxay Al-Saaciduuna Bil-Xaq ayaa waxaa uu Sheekhu ku tilmaamay in ay la fikrad yihiin Kooxda Takfiir fikrigooduna uusan waxba iska bedelin.

Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamayu kooxdaan in ay tahay mid khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah oo ay iyagu ka aamisan yihiin in ay yihiin Gaalo loona baahan yahay in hadda ay soo galaan Islaamka.

Sh.Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu aad uga hadlay wixii soo dhexmary xubno ka mid ah kooxda Al-Saaciduuna Bil-Xaq oo uu xusay Sheekhu in uu la galay dood fara badan ka dib markii ay gaalnimo ku xukumeen shacabka Soomaaliyeed ayna diideen in ay la tukadaan salaadaha.

Sheekh. Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sheegay in aan wax diin ah laga qaadan karin kooxda Al-Saaciduuna Bil-Xaq ayna ahayn culimo’diinta diinta Islaamka wax ka yaqaan arrinkaas oo uu ku cadeeyey dood fara badan oo ay culimada Soomaaliyeed ay la galeen ragga madaxda u ahaa kooxdaan.

Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed in ay la furaan dood diini ah waxaan uu xusay in kooxdaan Al- Saacid uuna Bil-Xaq in aan la dilaynin ilaa ay iyagu hub u soo qaataan umada Soomaaliyeed loona dhaqmayo siddii Iimaam Cali Ibnu Abii Dhalib kooxdii Khawaarijta.

Sh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ka mid ahaa inta uusan ka soo baxsan Degmada Baraawe Hogaamiyaasha Ururka Al-Shabaab oo iyaga laftigooda lagu heysto Gaaleysiinta iyo Daadinta dhiiga shacabka Muslinka ah ee Soomaaliyeed.

Hoos Ka Daawo Sh.Xassan Daahir Aweys oo ka hadlaya kooxda Al-Saaciduuna Bil-Xaq

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online