Tartankii Qu,aanka Kariimka ee Stockholm waxaa ku guuleystay Axmed Muxamed Sh. Xambali

April 18, 2017 - Written by Editor

Stockholm:-Axmed Muxamed Sh. Xambali Xaaji C/Suldan, ayaa ku guulaystay tartarka xifdiga Qur’aanka kariinka ah Kaasoo ka dhacay magaalada Stockholm ee caasimadda Wadanka Swedan markay Taariikhdu ahayd 16.04.2017.

Axmed waa wiil dhalinyara ah, yaraantiisii wuxuu qur’aanka ku xifdiyay degmada Madina ee magaalada Mogdisho Waxbarashadiisa Hoose dhexe iyo sareba wuxuu ku qaatay Iskuulka Imaamu Shaafici ee magaalada Muqdisho.
Intaas ka dib Axmed isagoo aad u da’yar ayuu waxbarsho ka helay jaamacadda Azhar ee dalka Masar Halkaas uu ku soo dhamaystay waxbarashadiisii jaamacadda. Haddana wuxuu imaam iyo khadiib ka yahay Masjidka weyn ee magaalada Jöngköping ee dalka Swedan.

Mubaarak baan leenahay Axmed Ibnu Xambali Ilaahay ha ku barakeeyo labada daaroodba. Adiga iyo xuffaada soomaaliyeed oo idilna cilmigiina naafic Ilaahay ha ka dhigo.Waalidkaa iyo macalimiintii iyo culimadii wax ku soo bartayna u noqo sadaqa joogta ah.

Aamiin aamiin
Halgan.net
Stockholm

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online