Waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)

April 20, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waa waraysi gaar ah oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo uu Sheekh Axmed Cabdisamed siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad)waxaan uu Sheekhu uga waramayaa xiliga ay kooxdaan bilaabtay iyo weliba halka laga keenay fikiriga ku dhisan in gaalnimo lagu xukumo Shucuubta Islaamka ah ee ku nool dalalka Islaamka.

Waraysigu waxaa uu u dhacay sida tan:-

6. Kooxdan cusub waxay u badan yihiin aqoonyahan iyo xirfadlayaal kala duwan, sida: ganacsato iyo dad aad looga yaqaan bulshada dhexdeeda, kuna dhex milnaa. Haddaba maxaa ku kallifay iyagoo muddo dheer isqarinayay inay xilligaan hal mar is muujiyaan?

Jawaab: Horta ma jiro go’aan uu gaar u qaatay faraca Jamaacada ee Soomaaliya ee waa go’aan guud oo ugu horeyn ka soo baxay wadanka masar. Way dhici kartaa inay go’aankaan qaateen ka dib markay darseen awooddooda aqooneed, dhaqaale iyo sumcadeed, ayna u arkeen inay maanta u bilantahay inay is muujiyaan, caqiidadooda iyo manhajkoodana soo bandhigaan, ayna la jahraan dacwadooda.

Waxaa kale oo suurtagal ah in go’aankaan lugu qaatay qiimeyn lugu sameeyey xaalada ay gashay ummadda muslimiinta ah gaar ahaan dadka ehlu-diinka ah fashilkii rabiic al-carabi ka dib gaar ahaan xaalada diimeed ee dalka Masar oo uu xilligaan ka jiro jaahwareer iyo balbalo fikri ah, iyo waliba bannaanaansho hoggaamineed ka dib markii madaxdii iyo culimadii hoggaanka u ahaa dacwada laga dhigay mid la dilay, mid la xiray iyo mid dibadaha u baxdsaday.

Dhinaca kale inay ismuujiyeen ka dhalan mayso inay xilligaan bulshada ka dhex baxaan ama la dagaalamaan ee kaliya waxay aaminsanaayeen ayay daaha ka qaadeen; si ay taageerayaal ugu helaan afkaartooda.

Tan kale, waxaa suurto gal in ay tillaabadaan u baahdeen si ay u ilaaliyaan jiritaankooda, xiriirkooda iyo midnimadooda , waayo way adagtahay inay sii jiraan, iskuna xirnaadaan iyaga oo aamusan afartan sano ka badan, isla markaasna sheeganaya inay diin iyo dacwo islaami ah wadaan.

7. Dalka Masar waxaa lala dagaalamayaa Jamaacooyin aan aaminsanayn gaalaysiinta bulshada, isla markaasna aan dawlada la dirirayn ee sidee ayay u suurtagalaysaa inay ka dhex shaqayso Jamaaco la jahraysa gaalaysiinta dowladda iyo bulshada?.

Jawaab: Ma hubo in shirkooda lagu qabtay Masar, mana sheegi karo awoodda ay halkaas ku leeyihiin laakiin sida bayaankooda ku cad way dhici kartaa inay u bareereen wax kasta oo kaga imaanaya dowladaha ay ka dhex shaqaynayaan. Tan kale dadka xukunka ilaashada ma eegaan qofku waxa uu aaminsan yahay ee waxay eegaan in uu xukunkooda ku qabsanayo oo uu halis ku yahay hadda ama hadhow iyo in kale. Tusaale ahaan nin sidooda ku baaqaya dimoqraadiyo ayay xiraan ama dilaan iyada oo ay dalka ka dhex shaqaynayaan dad ku baaqaya diinta islaamka ama afkaar kale oo dimoqraadiyadaas ka soo horjeeda.

Dhinaca kale madaxdu aad ugama baqdo jamaacooyinka bulshada gaalaysiiya ama dagaalka isticmaala: waayo ma laha shacab badan oo taageersan, inta badana shirqool ayay u maleegaan, si dhib yarna way u jabiyaan ee kuwa xukunka ilaashada waxaa u daran jamaacooyinka shacabka ku dhexjira oo wax tara, shacabkunau taageersan yahay; sidaa darteed way dhici kartaa in madaxda Masar fursad siiyaan Jamaacada Al-saadicuun maadaama ay dhici karto inay shacbiyada jamaacooyinka la dirirsan qayb ka leexsadaan. Tan kale nimanka xukunka ilaashada iyo gaaladuba way jecelyihiin jamaacadii islaami ah ee ku baaqda in aan xukunka la isugu dhawaan; waayo khatar ayay u arkaan in dad diin leh muslimiinta hoggaamiyaan, ciddii muslimiinta arrintaas ka hor-istaagaysana aad uga didi mayaan.

8. shakhsiyaadkan hore ma loogu yaqaanay fikradaan, mise hadda ayaa lugu ogaaday? adiguse yaad ka taqaanaa?

Jawaab: Raggaan dad badan baa horay u yaqaaney, inay afkaartaan xambaarsan yihiina ku ogaa laakiin lama wada ogayn inay wali sidii isugu xirnaayeen ama ugu xirnaayeen nimankii awal fikrada ay ka qaateen ee masaarida ahaa, hadda ayayse caddaatay.

Anigu ragga hadda is iclaaniyey waxaan ka garanayaa rag kooban oo aan taariikh ahaan u maqlay inay ka mid ahaayeen Jamaacadii Al-ahli ee fikrada takfiirku burburisay oo uu ka mid yahay ninka loo malaynayo in uu yahay hoggaamiyaha faraca Soomaaliya Dr. Cismaan Cabdulle Rooble iyo Dr. C/raxmaan Daahir Aweys.

Waxaa kale oo jira rag tiirar u ahaa jamaacadii Al-ahli, ka dibna fikradaan dadka ku hoggaamiyey, haddana aan ka dhex muuqan kacdoonkan cusub. Dad baa waxay leeyihiin: raggaas qaarkood way isaga tageen kooxdan, qaarna iyaga oo caqiidada ku waafaqsan ayay manhajka dacwo ee lugu soconayo isla fahmi waayeen.

9. Khatartooda intee le’eg tahay, marka loo eego xarakooyinka kale ee takfiirka ah ee horey u soo caan-baxay?

Jawaab: Horta la bareerista fikradan waa khatar soo siyaaday; waayo awal woxooda way la aamusnaayeen oo sida la filayo iyaga iyo qoysaskooda kaliya ayay ku koobnayd, hadda ka dibse dhawaaqu dad kale ayuu gaarayaa ha laga yeelo ama ha laga diidee.

Kooxaha dhaqanka ama afkaarta takfiir xambaarsan ee dalkeena soo marayna waa seddex qolo: a) Jamacaadan hadda la baxday Saadicuun ee aynu ka hadlayno, b) Jamaacada horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo uu hoggaamiyo Maxamuud Nuur ee ay middaan horay u kala bayreen, c) Xarakada Al-shabaab iyo Daacish oo ay isku fikrad iyo isku dhaqan yihiin.

Waxaan qabaa kooxahaas inay hadda waxyaabo ku kala duwanyihiin laakiin ma’aalka (aakhirka) ay meel isugu biyo-shubanayaan maadaama ay ku wada dhamaynayaan gaalaysiinta bulshada iyo la dagaalankeeda.

Marka la is barabardhigo jamaacadaan iyo kooxda horay u caddaysatay gaalaysiinta muslimiinta oo lafteedu muddo dheer dalka ka soo jirtey waxaan isleeyahay:
Jamaacadaan ayaa khatar yar marka laga eego ku dhexjirka ummadda iyo waxtarka; waayo waa dad ummadda ku dhexjira oo wax uun u faa’iidaynaya halka tan kale ay bulshada ka soocan tahay, waxtarna aysan u lahayn, dhinaca kalena tan ayaa khatar badan; waayo waxaa ku kadsoomi kara dad aan taas kale ku kadsoomeen.

Marka aynu is barbardhigno Jamaacadaan iyo Xarakada Alshabaab way ku kala duwan yihiin waxyaabo ka mid ah aaminaada (fahamka) oo jamaacadaan waxaa laga aaminsanyahay inay diin ahaan u rumaysan tahay waxa ay ku baaqayso ha qarsato ama ha la bareertee, halka Alshabaab lugu bartay siyaasada la yiraahdo “la jiifiyaana bannaan” oo macneheedu yahay ninkii aan rabo waa muslin haba xumaadee, kii aan nacana waa gaal haba fiicnaadee.

Tan kale Alshabaab wixii ay ku baaqayeen waxay u heleen fursad ay ku hirgaliyaan oo wax laga yiraahdo oo cad baa la hayaa laakiin waxaa isweydiin leh qoladaan iyo qolada kale ee takfiirka la jaharta waxa ay ku baaqayaan markay u helaan awood ay ku fuliyaan see noqon doonaan?. Hadday awood helaan, waxa ay ku baaqayaana daacad u noqdaan waxay bulshada ku fulin doonaan axkaamta islaamku ka dajiyey gaalada xarbiga ah oo waxay laynayaan ninkii aan habkooda u islaamin, waxaana laga yaabaa in aysan isticmaalin qarxinta dumarka, waayeelka iyo carruurta, inkastoo ay dhici karto inay addoonsadaan.

Hadday sida Alshabaab la jiifiyaana bannaan ka dhigaana shabaabka ayaa loo ooyi doonaa; waayo Alshabaab badankoodu inay bulshada been ka sheegayaan waa is ogyihiin laakiin qoladaan gaalaysiinta run bay u qabaan sida loo filayo, xadgudubka kalena waa u sii dheeraan doonaa.

10. Saamayn intee le’eg ayay kooxdan cusub ku yeelan kartaa kooxaha kale ee takfiirka ah ee dalka ka jira?

Jawaab: rag aqoonyahan ah oo da’ iyo khibrad leh baa Jamaacdan hoggaaminaya inkastoo aysan takhasus diimeed wadan badankoodu sida la ii sheegay, halka kooxaha kale aysan aqoon iyo da’ la sheego lahayn. Taas waxay keeni kartaa in xubno kooxaha kale saluugsan ay ku soo biiraan ama ad-adaygoodu khafiifo. Dhinac kale waa suurtagal dhallinyarada lugu ababiyo gaalaysiinta bulshada inay u hilowdo kooxaha takfiirka ah ee qoladan ka ad-adag oo ay markaas odayaasha meesha ku cidleeyaan. Marka aynu eegayno suurtagalnimada isdhexgalka kooxahan waxaa tixgalin leh in hoggaanka jamaacadan cusub didmo badan ka qabo dadka aysan taariikhdooda hayn ee xamaaska la soo galaya. Dabcan meesha kama marna suurtagalnimada in darka la isku ciriiryo oo af ama addin ay isu isticmaalaan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
« Mar    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online