Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay haweenka.[Masawiro]

April 30, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay haweenka Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada Qaranka, iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Ololahan oo ay Wasaaradda ugu magacdartay Sheeko Qarameed (National Conversation) ayaa waxaa maanta ay haweenka ugu doodeen sidii Dastuurka uu u noqon lahaa mid xoojiya xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv. Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo shirka furay kuna soo dhaweeyay dhamaan ka soo qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda haweenka ay u leeyihiin Qaranka gaar ahaan geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Avv Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ay iska kaashan doonaan shaqooyinka muuhimka ah ee ay Wasaaradda u hayso dalka, sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in shirarka noocan ah ee loogu magacdaray “Sheeko Qarameed’’ la gaarsiin doono dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Wasaardda Arrimaha Dastuurka ayaa dar-dargelisay qabashada kulamada wadatashiga si Dastuurku u noqdo mid dalka u horseeda horumar iyo nabad.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online