Dawladdu marna ma aqbali doonto Isbaarooyin Sharci darro ah

May 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.

“kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin”. Ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online