Faah Faahin Qarax ka dhacay caawa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.[Dhagayso]

May 23, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka ugu danneeyey ee ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in laamaha amnigu ay aqoonsadeen qofka caawa qarax ka geysatay magaalada Boosaaso. Qofka Ismiidaamiyey ayaa waxaa uu doonayey in uu bartilmaamsado goob ay ay ciidamada Booliska ay ku sugnaayeen balse shaki ku yimid in la baaro awgeed ayuu is qarxiyey waxaan goobta ku dhintay Hal askari , 3 shacab ah iyo qofka Ismiidaamiyey.

Allaha u naxariistee qarax caawa waxaa ku dhintay Siciid Sh c/qaadir Cali, oo ka mid ahaa ardaydii shalay dhamaystay imtixaankii qalin jabinta ee jaamacada bariga afrika ee Boosaas. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Shirkada Towfiiq qeybta furniture iyo Safari Phone waan goobaha ugu mashquulka badan oo dadku ay ugu badan yihiin.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay iyo qofka is qarxiyey.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf oo waraysi siiyey SBC

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhinac kale Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey ciidan baaritaan samaynayey ka dib markii lagu amray in uu istaago ka dibna uu is qarxiyey.

Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in amniga magaaladu ay tahay mid sugan qof is qarxiyeyna uusan amniga waxba u dhimi karin, Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in ay aqoonsadeen qofka is qarxiyey ayna ku daba jiraan cid walba oo gacan siisay ama xiriir uu la yeeshay isagoo xusay in ay heli doonaa cid walba oo ku lug lahayd qarax ka dhacay caawa Boosaaso.

Hoos ka Dhagayso waraysi uu Radio Garoowe siiyey Gudoomiyah Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado.

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online