Faah faahin Qaraxa ka dhacay maqaaxida Coffee Italia ee magaalada Muqdisho

May 8, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax galabta ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali ,qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana uu sidoo kale geystay bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka badbaaday qaraxa. Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah oo soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu gurmad u fidiyey dadweyne rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxa.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay iyagoo xiray wadada Maka Al-Mukarama.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online