Golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray go’aamo la xiriira ammaanka.[Dhagayso]

May 11, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:- Golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aamo lugu sheegay amniga in lugu xaqiiji nayo. Shir wasiirrada waxaa kale oo lugu soo dhaweeyay shirka socd London,iyagoo markaasna u mahadceliyey Dowlada UK iyo beesha caalamka oo u istaagay in Soomaaliya laga taageero dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Hoos ka akhri qodobbada amniga la xiriira ee wasiirrada ay soo saaren:-

1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.

2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,

b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah. Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.

3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”.

4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.

5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

6. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.

7. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.

8. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.

9. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.

10. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.

11. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.

12. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.

13. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.

14. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-

a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.

b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

Dhammaan go’aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

Hoos ka Dhagayso go’aamadii ka soo baxay shirka ay maanta yeesheen golaha wasiiradda dowladda Federaalka Soomaaliya

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/05/wasiirka-warfaafinta.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

————DHAMAAD——–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online