Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Deeq Bixiyeyaasha Oo Shir Ku Yeeshay Nairobi [Masawiro]

May 19, 2017 - Written by Editor

Nairobi:-Hotelka Southern sun Mayfair ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu qabtay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka. Shirkan waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online