Maamulka Gobolka Barri, Taliska ciidamada & Duqa Bosaaso oo soo bandhigay Gaari siday walax qarxa iyo raggii watay.[Cod/Masawiro]

May 31, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa saaka gacanta ku dhigeen gaari waday walxa qarxa iyo dhalinyardii waday waxaan saaka saxaafadda u soo bandhigay Taliska ciidanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Gaari waday walxa qarxa ayaa waxaa uu waday agab loogu tala galay in la saaro ilaa saddex gaari si loogu adeegsado qarax waxaan gaari la soo saaran Canbe iyo xayn Ari ah si loo soo dhaafiyo baraha ay Ciidamadu taagan yihiin.

Gudoomiyaha gobalka Barri Yusuf Maxamed Waceys (Dhedo), taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Barri G/dhexe Cabdixakiim Yusuf iyo Duqa Boosaaso Yaasiin Mire oo Shir Jaraa’id si wadajir ah u qabteen Boosaaso ayaa waxaa ay ugu baaqay dadweynaha in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga iyagoo xusay in gaarigaan uu ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uuna soo maray deegaano badan ilaa lagu qabtay Kontroolka magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha gobalka Barri Yusuf Maxamed Waceys (Dhedo),  ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland ugu saraysa in la abaal mariyo ciidamada amniga Koorntoolka Boosaaso ee qabtay qarax la doonayey in lagu laayo shacabka ku nool Boosaaso.

Hoos ka Dhagayso shirka jaraaid oo ay wada qabteen Gudoomiyaha gobalka Barri Yusuf Maxamed Waceys (Dhedo), taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Barri  iyo Duqa Boosaaso

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/05/SHir-Jaraaid.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online