Maandoon Ma Muslimiinaa 3aad W/Q Sheekh Dr Abdirahman Sheikh Cumar

May 20, 2017 - Written by Editor

قال تعالى فويل للذين يكتبون الكتاب بايديهم ثم يقولون هذا من عند الله ليشتروا به ثمنا قليلا فويل لهم مما كتبت ايديهم وويل لهم مما يكسبون.
( Sidee Diinta Loo Jadiidin karaa?) abdalla Aw Hassan Waxaan soo sheegnay mushkilooyinka hortaagan ,siduu u arko Abdalla Aw Xassan, in diinta la cusbooneeysiiyo labo kamid ah.mushkilada saddexaad ee hortaagan cusbooneeysiinta diinta islaamka waa:
Qore:
(3: Aayada badan oo tafsiirkooda loogu camal falay si ka duwan sidii laga rabey, waxaana ka mida:
A: aayadaha ku saabsan dumarka la mulkiyey oo laga wadey dumarka la qabo, laakiin loo qaatay in dumar adooma ahi ay jiraan, taasoo keentay in qayb dumarka ka mida la guursado idan la’aan
B: in aayadda ku saabsan dumarka aan caadada helin loo daliishadey in la guursan karo gabdhaha aan qaan gaaarin, ciddana waxaa qaada gabar wax dhali karta oo keliya, sidaa darteed mayna u fiirsan shuruudda ciddada.
C: ayaadda ku saabsan in saariqa gacanta la jaro oo loo maleeyey in qofkii maal xada gacan la jarayo, maxaa yeelay saariq waxaa laga wadaa qofka si qarsoodi ah wax u sameeya sida in qofku yiraahdo waxaas ayaan isha ku xaday, sidaa darteed qofka gacanta la jarayo waa qofkii si hoose gacan u jaray, kii maal qaadana maal uun baa laga rabaa. 4: diinta oo loogu dhaqmay qaab dhaxal tooyo ah taasoo keentay 2arrin oo kala ah; A: in cilmi baarista diintu istaagto wixii ka danbeeyey qarnigii 3aad ee hijriyada, sidaana ay ku qarsoonto axkaan badan oo quraanka laga fahmayey sida in dhiigga lagu shubo dadka jirran ay ka dhalanayso qaraabanimo la mida tan ka dhalata caanaha hooyada wax nuujisa. B: in loo maleeyey inaan dad hadda jooga wax cusub keeni karin, taasoo keentay in lala dagaalamo wixii fikrad ah ee cusub.
Haddaan xaddidno masaailka ugu waawayn ee dhibku ka jiro waa sifaadka ilaahay oo laga dhigay mas’alo caqiida ah oo dadku ku kala tegi karo iyo masaa’ilka la xiriira xuquuqda sida dhaxalka, arrimaha qoyska, siyaasadda, xijaabka, jihaadka iyo xeerarka ciqaabta. Sifaadku waa wax iska sahlan haddaan la isku adkayn maxaa yeelay in Alle leeyahay laba gacmood, weji, inuu wax arko, wax maqlo, wax balba og yahay , wax walbana awoodo waa arrin aan tafsiirba u baahnayn markii laga reebo qofkii isagu diinta isku adkaynaya. Masaa’ilka kale dhammaan waxay hoos yimaadaan baabka xuquuqda iyo baabka tafsiirka, waana laba baab oo ku cad quraanka, sidaa darteed cusboonsysiinta diintu waa arrin sahlan hadii si fiican loo fahmo labadaas baab. Halkaa waxaan ka garanay in dawada laga raadiyo quraanka ee aan laga raadin kutubaha fikriga ah ama kuwa firqooyinku leeyihiin markii laga reebo in la ogaado firqa kasta waxa ay aaminsan tahay.)
Abdalla allaha soo hanuuniyee,wuxuu leeyahay dhibka wuxuu kayimid tafsiirka aayado quraanka kamid ah oo si khalda loogu camal falay.tusaale wuxuu usoo qaatay sida aayadda leh waxay gacantiinna mulkisa oo loo fasiray in ay jiraan haweenka addoomada ah lkn loola jeedo kuwa aad qabtaan.قال تعالى والذين هم لفروجهم حافظون الا على ازواجهم او ما ملكت ايمانهم فانهم غير ملومين فمن ابتغى وراء ذلك فاولئك هم العادون
Tafsiirka waxa gacantiinna milkisay waxaa loo yaqaannay sida aayadda u kala qaaday haweenka dagaalka lagu soo qabtay ee addoomada ah. In ay lamid yihiin xaasaska laqabo inta qaybta uu u helo mujaahidka.khabiirka wuxuu rabaa masalada addoonimada in uu meesha ka saaro oo caqliga u cuntamin tafsiirkii asaxaabta iyo camalkoodii la khilaafo mid cusubna loo sameeyo sida in lagu fasiro xaasaska.
Waxaa kale oo u sheegay in ciddada haweenka aan caadada ku dhicin loo daliishado in la guursan karo gabadha aan qaan gaarin.waxaa fiicneeyd in uu yidhaahdo in la mehrin karo maxaa yeelay gabar aan qaabgaarin waa la mehrin karaa lakin lama aqalgeeyn karo.Abdalla waxaa madaxa ku dhuftay dacaayadda gaalada ay nabiga ku sheegeen in uu ilmo yar guursaday (child molesting) taas oo been abuur ah wuxuu nabiga aqal geeystay iyadoo qaan gaar ah oo caadada ku dhacday.
Waxuu kaloo yidhi waxaa loo fasiray si khaldan aayadda sheegeeyso tuugga in la jaro gacanta.oo gabi ahaanba ku in loola jeedo (qofkii si qarsoodi ah gacan u gooyo )ee (hadduu maal xado maalkii umbaa laga rabaa.) abdalla waa ka tuuray xadkii tuugada quraanka.
Waxaa kale oo tusaale usoo qaatay in ay istaagtay cilmi baaristii qarnigii 3aad sidaa darted axkaam badan ay qarsoontay sida qofkii dhiig lagu shubaa in lamid tahay nuugmada naaska caanaha(waa cusubtahay arrinkan).in loo maleeyay in aan fikrad cusub gadaal laga keeni Karin.
Khabiirka wuxuu leeyahay magacyada iyo tilmaamaha ilaahay marka laga reebo inta kale waa sahlantahay in la cusbooneeysiiyo maxaa yeelay waxay hoos imaanayaan labadii baab ee uu horay usheegay baabka xuquuqda iyo baabka tafsiirka oo sida caqliga waafaqsan loo fasiro casrigana lala socodsiiyo.
Wuxuu leeyahay daawada quraankay ku jirtaa marka nin waliba uu u fasiro sida uu rabo.khabiirkan tobanka sano baranayay diinta ma fahmin axaadiista nabiga scw in ay tahay mida fasireeyso quraanka kaddibna asaxaabadii nabiga kaddibna taabiciintii sideey u fahmeenna aan la khilaafi Karin.ijmaacana uu yahay booska saddexaad quraanka iyo xadiiska kaddib.Abdalla wuxuu ii soo qoray qoraalkaygii labaad kaddib oo uu ii sheegayo in uu qoray kitaab cusub oo dhaxalka ku saabsan.
Abdalla iyo raggiisa biyo dhacooda intaa cabdalla sheegay oo ah diinta in la cusbooniisiiyo si caqliyada gaalada loo waafajiyo si naloogu arko dad horumarsan oo la socda geeddi socodka ilbaxnimada.dhaqdhaqaaqa maandoon waxaa ku dhacay dubbaha galbeedka waana iska difaaci waayeen kaddibna waxay kusoo jeesteen diintii iyada wax lagu saxayay waxayna rabaan in diintala dabagaliyo aragtida ama fikirka reer galbeedka.
Abdalla waxaan rabaa in aan kuu sheego in diinta leedahay usuul iyo tiirar aan laga bixi Karin,islaamka Allah wuxuu ugu talagalay ilaa qiyaamaha waxaana kamid ah meelaha qaarkood lagu ijtihaadi karo sida waxa cusub ee yimaada xaggee la haleeshiinaa culimada joogtaana ku ijtihaadeeyso iyo naskuu waafaqsanyahay iyadoo aan laga dhex bixi Karin qawaacidda asaasiga ah ee diinta.sida cunugga dhalada lagu beeraa ma bannaanyahay mise ma bannaana iwm.
Culimada la yidhi diinteey cusbooneeysiiyaan ma aha in ay beddelaan ee waxay u nooleeyaan diintii laga tagay ku dhaqankeeda waxaad ka hadleeysana waa in la bedelo diinta Alle waana middeey ku gaaloobeen yahuudda iyo kiristaanka.
Abdalla xalka wuxuu u arkaa diinta lagu bedelayo in baabkasta laga qoro risaalooyin hufan(caqliga waafaqsan).In lagu qoro afka soomaaliga si dadweeynaha u fahmaan oo isbedelka ka yimaaddo gaar ahaan dhallinyarada maadaama dadkii cilmiga lahaa u bateen dad cilmiga ka carara.iyo in si xorriyad leh looga faraxasho madahaahibta iyo firqooyinka si fac madax bannaan loo helo oo waxay rabaan qoro.
Maandoon ma muslimiinaa??? Waa maya,waxay lamidyihiin ninkii labaatan sano jaamacadda azhar wax ka baranayay oo yurub la geeyay muddo labo sano oo yidhi
Laabaatankii sano oo azhar dhiganayay ma fahmin diinta waxaan diinta soo fahmay labadii sano ee aan yurub tagay ee ardayga uu u noqday mustashriqa.
Abdalla nooma sheegin tobankii sano yaa culimo u ahaa ee uu diinta baarayay???
Mise waa in laga xoroobaa culimo dadka diinta barta oo qofwaliba maskaxdiisa sideey u sheegto isagoo xor ah siduu rabo u fahmo siduu rabana u fasirto.maxaa yeelay culimo in la helo diinta laga qaato waa addonsi maskaxeed loona baahanyahay in dadka laga xoreeyo.mufakiriinta maandoon waxay sheegeen in dadka diinta loo cusbooneeysiiso oo iyaga raaciddooda addoonimo ma noqoneeysa miyaa?oo waxay rabaan in lagasoo tago fahamkii diinta iyo fasirkooda oo la raaco maandoon sida ay u aragto ama u fasirto quraanka.
Waxaan jeclahay gabagabada saddex article in aan idiin soo qoro si aad u fahamtaa kooxda MAANDOON ma muslinaa.

1- Asalka kooxaha muslinka: qore Ibrahim yusuf
(Haddaba geeridii Rasuulka ka dib in ay qabiilooyinkii carbeed badankoodu diinta ka noqdeen oo la gumaaday oo intoodii hadhay muslintay, wax ay ina hor keenaysaa wayddiinta ah: oo dadkaa sow ka ma ay buuxin dad ahaa saxaabadii Rasuulku? Haddii ay riddoobeen, ama kolkii hore munaafiqiin ahaayeen, ama la dilay, ama kol labaad qasab la gu soo muslimiyay, sidee loo odhan karaa saxaabadii Rasuulka oo dhami waa ay wada suubbanaayeen oo runlowyaal bay wada ahaayeen oo waxa ay yidhaahdeen oo dhan waa la qaadanayaa?)
Kaddib markuu si foolxun usoo qoray taariikhdii islaamka iyo dagaalladii ridada wuxuu kusoo hooriyay qoraalkaa hortiinna yaal.waxaa la isku raacsanyahay in asaxaabada caadiliin yihiin,runlow yaal ah ilaahna quraanka ku sheegay.dig iyo damta Ibrahim yoolkiisa waa halkaas asaxaabta in laga xoreeyo dadka si aanay maskaxda uga gumeeysan.
2- Wadaadada iyo diinta:jinkii bariiska xabadda ku darsaday qore cabdixakim dirie
(Weligaa ma isweydiisey diinta kooxahaan qaarna takoortay qaar kalena taabsatay? Marna maka fakertey cidda salafiyada siisey kaarka jannada lugu galo ama suufiyada looxu maxfuudka tustey? Ma kuu muuqataa tani iney tahay isbaaro soojireen ah oo macallimiin hore dhigteen?)
Kuwa kalena waa idiin soo qori doonaa inshallah.

W/Q Sheekh Dr Abdirahman Sheikh Cumar
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online