Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo u Amba baxay Shirka London

May 6, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland​ ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah ugu amba baxay Shirka London ee kaalmada loogu yaboohayo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sii mari doona Magaalada Nairobi oo uu maalmo kadib uga sii gudbi doono London oo 11 bishan uu si rasmi ah shirku uga furmayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koobad siinayso nabadgalyada oo ah waxa ugu badan ee maanta Soomaalidu ay u baahan tahay si gaar ahna Jubbaland ay dhawaan gali doonto hawlgalo saf balaadhan ah oo Al-Shabaab gobolka lagaga xorayn doono.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaalida looga baahan yahay isku tashi iyo wada jir si hawlagaha socda ay u guulaystaan.
Bulshada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Madaxdooda ay aaminan oo ay ku kalsoonadaan taas oo wanaagu uu ku jiro.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online