Madaxweyne ku xigeenka PL oo ka qayb galay munaasabad lagu Daah-furayay xeerka Da’yarta Puntland.[Masawiro]

May 10, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa manta May 10, 2017 waxa uu caasimadda Garoowe kaga qayb galay munaasabad ay soo qaban saabisay Wasaaradda Caddaalada Puntland oo lagu dah-furayey xeerka Da’yarta Puntland.

Munaasabassa waxa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, xubno ka socday beesha caalamka iyo xubno kale oo muhiim ah .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Maxamed Cali Faarax, Wasiirka Caddaaladda Saalax Xabiin Jaamac iyo xubno kale oo ka Wasaaradda ayaa warbixin kooban ka bixiyay heerarkii uu soo maray xeerka Da’yarta Puntland iyo faa’iidooyinka uu leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caddaaladda Puntland dedaalka ay ku bixisay hirgelinta xeerkan, wuxuuna kula dardaarmay in markasta la hubiyo socodsiinta iyo ku dhaqanka xeerkan.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhankiisa caddeeyey in dhammaan hay’adaha Dawladdu ay garab taagan yihiin Wasaaradda Caddaaladda Puntland isla markaana masuuliyad goonni ah ay iska saari doonaan dhaqan gelinta xeerkan, maadaama uu waxtar u leeyahay Da’yarta Puntland.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online