Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay qunsulka Masar ee Soomaaliya(Masawiro)

May 16, 2017 - Written by Editor

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa kahor inta aanu madaxweyne kuxigeenku ku qaabilin madaxtooyada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, xildhibaano katirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha iyo weftiga ka Socdey safaarada Masar ee Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne kuxigeenku  sheegay inay weftiga kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda, dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan wasaaradaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in weftiga socdaal koodani daarana laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay dawladda Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda gaar ahaan isha dhaqaalaha dawladda Puntland ee magaaladda Boosaaso, waxaana uu xusay in dalkiisa Masar uu diyaar u yahay dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Masar iyo Soomaaliya.

–DHAMMAAD—                                                                          

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online