Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya.[Masawiro]

May 24, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee Puntland Mr. Francis Lenoh.

Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Dawladda Puntland iyo hay’adda UNOCHA xiligi abaaraha baaxadale ay ka jireen Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa ku amaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay xiliyadii adkaa ee abaartu ka jirtey degaanada Puntland, waxaana uu xaqiijiyey in hay’adda UNOCHA ay ka mid tahay hay’addaha ugu wax qabadka wanaagsan ee ka hawl gala Soomaaliya.

Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa ku booriyey masuuliyiinta hay’adda UNOCHA inay sii dardar geliyaan shaqooyinka baaxadale ee xafiiskoodu ku hawlan yahay, waxaana uu xusay in ay iminka taagan tahay samata bixinta dad badan oo ay wax yeelo u gaysteen roobabka lixaad kale ee ka da’ya degaanada Puntland kuwaas oo u baahan hu’, maalayn, xoolayn iyo gargaar bini aadantinimo iyo sidoo kale dadka xoolo dhaqatada ah ee kusoo hayaamay Puntland xiligii abaarta dib u celintooda.

Mr. Justin Brady madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay tageerida iyo gacan qabashada dadka dhibaataysan ee reer Puntland, isagoona xaqiijiyey inay markasta diyaar u yihiin ka qayb qaadashada xaalad kasta oo taagan, waxaana uu ku amaanay dawladda Puntland iyo shacabkeeda shaqo wanaaga ay ku astaysan yihiin iyo caawinta midba midka kale ula heelan yahay.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online