Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe kula kulmay Madaxa Xafiiska Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.[Masawiro]

May 22, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.C/xakiin Xaji C/laahi Cumar Camey ayaa maanta subaxnimadii 22 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay wefti uu hogaaminayo Madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. Bahame Tom.  Kulanka uu kusimaha Madaxweynuhu la qaatay Weftigani ayaa waxaa ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulan gaar ah oo ay wadda qateen madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga uu hogaaminayey Mr. Bahame Tom kadib ayaa waxa ay si wadajira ula hadleen warbaahita, waxaana uu sheegay madaxweyne kuxigeenku inay ka wada hadleen weftigani ilaalinta xaquuqda bulshada rayidka ah siiba caruurta iyo haweenka, iyo sidoo kale sharciga qabana qofka isu ekaysiiiya milatariy amaba ciidanka qalabka sida sharciga qabana, taas oo uu sheegay Madaxweynu kuxigeenka in dawladda Puntland ay ka leedahay sharci, kaas oo ah in qafkaasi ay xukunto maxkamad milatariy.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay inay kawada hadleen weftigani ka socdey xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya, xeerka dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, kaas oo Soomaaliya udub dhexaad uh jiritaankeeda lagagana dhaqmo dhammaan geyiga Soomaalidu degto, waxaana uu xusay Madaxweyne kuxigeenka in xeerkani uu salka kuhayo diinteena islaamka, isla markaana lagu dhammeeyo wax maxkamad u taag weydey.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dawladda Puntland ay markasta ilaaliso ilaalinta xaquuqul insaanka, waxaana uu tusaale u soo qaatay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Puntland lagashay cadawga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen caruur yar-yar oo aan gaadhin da’da qaangaadhka, isla markaana ay dawladda Puntland u samaysay dhaqancelin.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa cadeeyey in maxaabista qaar lagu hayo xabsiyada Puntland kuwaas oo u dhexeeya da’da 15-18 dawladda Puntland-na ay u samaysay dhaqancelin waxna ku barto xabsiyada gudahooda, waxaana uu xusay Madaxweyene Camey in aanay jirin meel kale oo laga sameeyey arrinkaasi Soomaaliya, Puntland-na ay kaga horayso Maamulada Soomaaliya ilaalinta xaquuqda Bini aadanka.

Mr. Bahame Tom madaxa xafiiska xaquuqul insaanka qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay sida ay u ilaaliyaan xaquuqda bulshada rayidka ah ee gaar ahaan caruurta iyo waheenka oo iyaga muhiim u ah bulshada, sidoo kale waxa uu Dawladda Puntland ku amaanay si dii ay ula tacaaleen ilaalinta xaquuqda maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Puntland iyo cadawga Al-shabaab.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online