Maxkamadda qalabka sida ee Puntland oo xukun dil ah ku riday koox ka tirsan Al-Shabaab (Masawiro)

May 27, 2017 - Written by Editor

Maxakmadda Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobal ee Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday eedeeysanayaal ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish waxaana xukuna lagu riday isgu jiraa dil Toogasho , Xabsi daa’in, iyo in qaar la siiyey xoriyadoodii.

Eedaysanayaasha maanta xukunka lagu riday 5 ka mid ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso iyaga diyaarinaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxaana lagu qabtay walxaha qarxa waxayna ka hor qirteen maxakamada in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxakmada Ciidmada Qalabka sida Ee shanta Gobal Ee Puntland Cabdifatax Xaaji Aadan ayaa Xukunka Ku Riday edeysanayashan wuxuuna sheegay in ay racfaan ka qaadan karaan eedeeysanayaasha xukunka mudo 30 cisho ah.

Dhinaca kale Maxakmadda Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobal ee Puntland ayaa dib ugu celisey Xoriyadoodii eedaysanayaal ka tirsanaa kooxda Daacish, kadib markii ay isku soo dhiiban Ciidamada Puntland.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online