Puntland oo heshiis la saxiixatay dowladda Kenya[Masawiro]

May 18, 2017 - Written by Editor

Nairobi:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Goleyaasha Dawladda ee Madaxtooyada Siyaad Xusseen Mursal, Guddoomiyaha Jamaacadda Puntland State University Maxamuud Shiikh Xaamud iyo saraakiil ka socota Xafiiska Xiriirka Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda (Puntland Capacity Injection Project-CIP) ayaa maalmahaan hawlo shaqo u jooga waddanka Kenya.

Ujeedka safarka wafdiga Puntland ayaa salka ku haya sidii ay Dawladda Puntland heshiis iskaashi dhinaca tababaradda shaqalaha ah ula soo saxiixato Dawladda Kenya gaar ahaan Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya (Kenya School of Government).

Heeshiiskan ayaa shaqaalaha Dawladda Puntland u ah fursad ay kor ugu qaadaan aqoontooda, gaar ahaan waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii maamulka sare ee hay’adaha dawladda oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha hay’adaha madaxa bannaana, agaasimayaasha guud, agaasime waxeedyada iyo madaxda kale ee Dawladda ay u heli lahaayeen fursad ay aqoontooda iyo xirfadooddaba ay kor u qaadaan (Executive Leadership Training).

Waftiga ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya waxayna kawada hadleen sidii loo tayayn lahaa korna loogu qaadilahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dawladda Puntland, sidoo kalena loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Kenya.

Madaxa Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Kenya Dr. Ludeki Chweya ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey wafdiga Puntland waxana uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay shaqaalaha Puntland ka caawiyaan dhinacyada tababarrada iyo tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha.

Gebagebadii kulanka ayay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen iyadoona dhanka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle halka dhinaca Kenyana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee mac-hadka tababarka dalkaasi Dr. Ludeki Chweya.

Ugu danbayntii, dhammaan heshiisyadani waxay gundhig u yihiin asaasidda Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Puntland oo ay ku hawlantahay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Puntland.

—Dhammaad—

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online