Puntland oo maanta shaacisay in maalinimada berito oo kubeegan 27 May 2017 ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

May 26, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Wasiirka wasaarada Cadaalada dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo ugu horay ku dhawaaqay xaqiijinta in maalinimada berito ay tahay maalinta koowaad ee bisha ramadaan ayaa sheegay in wasaarada cadaalada Puntland ay wakhti dheer iyo dedaal aan yarayn ku bixisay xaqiijinta bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan. ‘’Dhammaan waxaan gaadhsiinaynaa shacabka reer Puntland iyo ummaada Soomaliyeedba meel kastay joogaan inay tahay malinimada berito maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, wasaarada cadaalada Dawladda Puntland-na ay wakhti dheer ku bixisay xaqiijinta iyo baadhitaanka bilawga bisha ramaadaan, xalay bishii waa la raadiyey, dalka meel walba waa laga raadiyey waana la waayey kadibna waxaan xaqiijin ugu dhaqaaqnay bisha shabcaan goormay dhalatay?, bisha shabcaan waxay dhalatay maalin khamiisa oo laga arkay sida naloo xaqiijiyey Boosaaso, Beled Xaawo, iyo tuulo lagu magcaabo Suufka oo uu noosoo xaqiijiyey iimaam meeshaa joogaa, anagoo dadkaasi ku kalsoon in bisha shabcaan sodon buuxtahay waxaanu faraynaa shacabka Puntland in la soomo maalinimada berito lana ilaaliyo suu Illahay inoogu waajib yeelay Bisha Ramadaan’’ ayuu yiri wasiirka wasaarada cadaalada Dawladda Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar camey ayaa dhankiisa sheegay in wasaarada cadaalada Dawladda Puntland ay u xilsaarnayd xaqiijinta bilawga bisha ramadaan, waxaana uu sheegay in ay wakhti dheer iyo dedaal badan ay geliyeen sidii loo xajiijin lahaa bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan.

‘’wasaarada cadaalada ayaa dawladda uga xilsaarnayd hubinta bisha ramadaan, runtii wakhti bay geliyen sidii ay u ogaan lahayeen una xaqiijin lahaayeen bilawga bisha barakaysan ee ramadaan, dawladdu ma ogolaanayso wixii xaraan ah in lasameeyo hotel furan baan la ogolaanayn, dhirta hoosteeda in lagu qayilo ayaan la ogolaanayn, waxaan is faraynaa wax kasta oo khayr kujiro in lasameeyo’’ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

Dhinnaca kale, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal iyo degaanada hoosyimaada in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonidooda isla markaana lajoojiyo colaada laga hurinaayo degaanadaasi, waxaana uu faray ciidamada amaanka dawladda Puntland meel kastay joogaan in ay soo afmeeraan hawshaasi.

DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online