Ra’iisul Wasaaraha DFS Xassan Cali Kheyre oo guddoomiyey Shirka Amniga.[Masawiro]

May 10, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka. Dhankooda madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa joogtada ahaa ku tagey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda kala qeyb qaatay barnaamij loogu baroor diiqeyey Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji. Isagoo ku tilmaamay shaqsi tusaale u ahaa jiilka soo koraya, isla markaana ahaa nin dhalinyaro oo wadani ah.

__DHAMMAAD_

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online