Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho.[Masawiro]

May 17, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online