Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay dar-dargelinta Hindise Sharciyeedyada loo gudbinayo Baarlamaanka.[Masawiro]

May 29, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada

DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online