Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo gaaray Dalka Norway. [Masawiro]

May 25, 2017 - Written by Editor
Oslo:-Dalka Norwey waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee HSJ waxana ay kulamo la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadda, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Basaboorka. Labada dhinac Soomaliya iyo Norwey ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo  aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.
Dhinaca kale wifdiga ayaa booqdey Xaruunta Kaarka aqoonsiga qaranka Norway oo ah xaruun hubisa saxnimada dukumentiyada isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xaruumaha laga maamulo socdaalka Norway iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada. Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah.
  Wafdigan uu hogaaminayo Agaasimaha guud HSJ aya maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online