Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland oo gaaray degmada Cadaado

May 29, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goor-dhaweyd gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, oo maanta ay ka dhacayso xaflada lagu caleemo saarka madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu gaaray degmada Cadaado waxa si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Gal-Mudug , Axmed Ducaale . wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarx Juxa , Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Gal-mudug.

Dhan kale waxaa magaalada Cadaado gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxwyenaha Jubbaland Axmed Madoobe , Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Keating iyo safiiro ka socday beesha caalamka.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa waxa adkeeyey ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Gal-Mudug waxaan ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq dadweynaha
waxaan saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Cadaado ay gaaraan Madax ka tirsan maamulada ka jira dalka .

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online