Wasiir Cabdi Xoosh “Culumada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka”[Masawiro]

May 12, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo dhageeysan lahaa talada Culumada ee ku saabasan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka.Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in iskaashi layeeshaan Culumada.

“Waxaa inaga go’an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay ra’yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonno” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Avv Cabdi Xoosh oo ka hadlay sida Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada jira lagu sameeyay ayaa sheegay in 2012 ay jireen caqabado badan oo ka hor taagnaa in wadatashiyo badan la sameeyo.

“Annaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban, runtii waxaa inaga hortaagnaa kooxaha nabaddiidka oo wadanka badankiis gacanta ku hayay, laakiin xiligan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online