Wasiir Cabdi Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo Nairobi kula kulmay Beesha Caalamka.[Masawiro]

May 20, 2017 - Written by Editor

Nairobi:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ku-Xigeenkiisa Labaad Mudane Cabdalla Cawad. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay masuuliyiin kamid ah Beesha Caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay Qorshaha Guud ee Wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Sahacabka Mudane Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay ka dhaxeeyso wadashaqeyn wanaagsan kana go’antahay in Dastuurka la dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Wasaaradda ku amaantay kulamada wadatashiga ah ee maalmihii la soo dhaafay ay la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada waxa ayna ballanqaadeen in Wasaaraddu ku garab istaagi doonaan sidii Geedi-socdoka dib u eegista Dastuurka ee labada sanno ee soo socota uu si guul ah ugu soo dhamaan lahaa.

——-DHAMAAD——

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online