Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

May 5, 2017 - Written by Editor

Wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey diyaar garowga shirka London oo 11ka May ka dhacaya dalkaas UK, gaar ahaan Lancaster House ee caasimada London. Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlaya diyaar garowga shirka ayaa yiri “Dowladda Federaalku si aad ah bey ugu diyaar garowday shirka London oo ay wada shir-guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayna ka soo qeybgalayaan beesha caalamka.”

Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudana Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka qeybgali doona. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Wasiir Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah ka howlgaleysey sidii shirkan u noqon lahaa mid miro dhala, iyadoo guddi loo xilsaaray si joogta ah ula kulmayey saraakiisha dowladda UK iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo diblomasiyiinta saaxiibada la ah Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa diyaarisey qorsheyaasha amniga si ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed loo tayeeyo oo ay mustaqbalka dhow amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidanka AMISOM.

“Sidoo kale Dowladdu waxey diyaarisay qorshihii maamulka iyo maareynta maaliyada oo beesha caalamka siin kara kalsooni buuxda iyo qorshihii u diyaar garowga nidaamka dimoqraadiyeynta dalka si 4 sano gudahood loo qabto doorasho hal cod iyo hal qof ah.”

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan shirkan bacdamaa uu noqonayo shir ka duwan kuwii hore oo Dowlada Federaalka ay la tageyso qorsheyaasheeda, beesha caalamkana aya nagu taageeri doonto. Shirkan ayaa noqonaya mid ay Soomaali hoggaamineyso, qorsheyaasheedana ka codsaneyso in caalamku ku taageero.

——–DHAMAAD——–

Wasaarada Warfaafinta
media@moi.gov.so sidiqfaarax@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online