Banaanbax lagu taageerayo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.[Video]

June 4, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib waxqabadkodii 100 maalmood oo ka soo wareegtay markii loo doortay hogaanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Banaanbaxaan oo ay ka soo qayb galeen Kumanaan qof oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay Garoonka Kubada Cagta Banaadir Stadium waxaan ka soo qayb galay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre,wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka Cabdi Faarx Juxa, Wasiiro xildhibaano,saraakiil ciidan.

Madaxweyne Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay banaanbax lagu taageerayo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guul lagu gaari karo isku duubni u dhexeysa dowladda iyo shacabka. Madaxweyne Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in caasimada Soomaaliya ay noqon doonto mid ka qurux badan caasimadaha dalalka Afrika lana arki doono is bedel weyn 4 sano ee xilka hayo.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu soo hadal qaaday dagaalka dowladiisa kala dhexeeya ururka Al-shabaab waxaan uu ugu baaqay dhalinyarad ka tirsan ururkaas in ay ku soo biiraan dadkooda iyo dowladooda.

Hoos ka Daawo khudbadii Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2017
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online